Yurubta Galbeed

Yurubta galbeed (af-carabi: أوروبا الغربية, af-ingiriis: Western Europe) waa qaybta galbeed ee qaarada yurub, taasoo kulansanaysa : isbayn, burtuqiiska,faransa, talyaanigaAustriya, jarmalka iswiisarlaan, ingiriiska, ayrlaan, [ Luxembour], denmark, holland, belgium, malta, vatican, AndorraSan Marino iyo Liechtenstein

CIA Western-Europe-map2
yurubta Galbeed (midabaka oranjiga) iyo koonfur galbeed yurub (midabka oranjiga tiqda ah), sida laga soo xigtay CIA.
Video taken by the crew of Expedition 29 on board the ISS on a pass over Western Europe
Andalus

Andalus (afcarabi: الأنْدَلُس ingiriis: al-andaluus, loona yaqaanay aybeeria waa gobol ilbaxii muslimiinta laga taagay yurubta galbeed gaar ahaan hada dhulka loo yaqaan spain iyo Burtuqaal, waqtigii andalus ugu awooda badnayd waa qarnigii sideedaad ee miilaadiga, way balaaratay ilaa ay gaartay koofurta faransa, ereyga andalus waxaa loo yaqaan dhulkii khilaafada islaamku qabsatay, iyo dhulkii is-maamulada gadaal ka noqday ee ka go,ay awoodii dhexe ee dawladii khilaafadii alumawiya sanadku markuu ahaa 132-913 hijri ku beegan 711-1492 miilaadi markay andalus ku dhacday gacantii reer yurub muslimiintina laga saaray, iyadoo ay jirto in xuduuda andalus marba ay si isku badalaysay. marna ay yaraanaysay marna weynaanaysay. taasoo loo tiirinayo dagaaladii muslinka iyo gaalada dhex marayay, oo guushu marba dhinac jirtay.

Shan baa loo qaybiyay andalus furashadii muslimiinta ka dib markay ku sugnaatay xukunkii islaamka, qaybahaas oo kala ahaa:

Andalusia, Burtghal, Gaaliisiya, Qashtaala, Aragoon, Liyoon. Barshilona iyo istimaaniya,

markii hore wayay ahayd hal gobol oo hoos yimaada Al-waliid bin cabdil malik dowladii al-umawiyah , maraky dowladii umawiya dhacday dowladii cabaasiyana timid Andalus waxaa la gaar noqday Cabdi raxmaan Al-Daakhil oo ka mid ah dowladii umawiya kana soo cararay Cabaasiyiintii, wuxuu ka aasaasay imaaradii Qurduba waxayna jirtay 179 sano, dabadeedna waxaa ku xigay cabdiraxmaan al naasir oo taagay dowlad uu ku magacaabay dowladii al-umawiya taasoo badal ka ahayd magcii imaarada qurduba sababo siyaasadeed awgeed, ka dib burburkeedii Andalus waxay u qaybsantay imaarado iyo dowlado ama maamulo yar yar oo ku caan baxay magaca Al-Dawaaif «الطوائف», waqtigaas ayaa noqday meel ay ku kulmeen dhaqanno kala duwan, muslimiin yuhuud iyo nasaaro dhinac ah iyo carab, barbar, quudiyiin iyo farenji dhinac, halkaas baa waxaa ka dhashay xadaarad horumar weyn samaysay, oo Andalus ka soocay gobolda kale ee islaamka, halka Manhaj ee loo noqonayay ayaa ahaa shareecada islaamka, Nasaarada iyo Yahuudana nabad ayay kula noolaayeen muslimiinta hoostooda, sharcigooda ayay isku xukumi jireen gunno (Jizyo) ayaa laga qaadi jiray, Andalus ayaa noqotay meel loo hanqal taago aqoonta iyo horumarka yaalay goor yurubta kale ay jahli, dibu dhac iyo mugdi ku jireen, magaalada Qurduba ayaa noqotay meelaha ugu fiican caalanmka xaga aqoonta iyo horumarka, xarunta cilmiga,iyo ilbaxnimada ee yurub iyo inta badda cad kulaasha ayay noqotay, iyadoo la tartamysay Baghdaad caasimadii dowlada cabaasiya iyo Qusdandiiniya caasimadii biisandiyiintii ruumaanka, culumo badan oo caan ahaa ayaa ka soo baxday sida imaam Al-qurdubi ,ibni xazam iyo kuwa kale oo diinta taariikhda iyo tafaasiirta wax ka qoray, dhinaca sayniska ,cilmi falaga, xisaabaha , qalliinka aad bay caan ugu ahayd andalus, axaana ka soo baxay rag ilaa hada lagu tiirsanyahay aqoontii ay keeneen,

Dhaqaallaha Soomaaliya

Dhaqaalaha Soomaaliya (Af-Ingiriis: Economy of Somalia) waa dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wadanka Soomaaliya la leedahay dunida inteeda kale. Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa ka mid ah ganacsiga Soomaaliya la leedahay dunida; sida dhoofinta iyo iibsiga alaabaha, badeecada, xoolaha iyo dhamaan wax soo saarka wadanka.

Sida Qaramada Midoobay sheegtay wadanka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay "wadanada ugu liita dhaqaalaha caalamka". Inkastoo 20neeyo sano oo dagaal sokeeye ahi curyaamisay dhaqaalaha iyo koboca wadanka, hadana dadka Soomaalida waxay sameeyeen dhaqaale dadban, kaasi oo ku salaysan xoolaha nool, xawaaladah iyo isgaarsiinta.Sida ay sheegtay Bankiga Aduunka, dhaqaalaha Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay ilaa $4.1 bilyan sanadkii 2001da. Sidoo kale sanadkii 2009, Hay'ada Sirdoonka Maraykanka (CIA) waxay xustay in iskuceceliska iyo soo saarka guud ee wadanku gaadhay ilaa $5.731 billion, taasi oo ku socota xawaare koritaan ah 2.6%.

Qurbajoogta Soomaaliyeed

Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa loola jeedaa Soomaalida joogta daafaha aduunka una leh dhaqan oo aan la dagin koox isirkooda ahayn. dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu aad u kordhiyay tirada Qurbajoog, sidaas oo kale waxay sababtay in ay baxaan Soomaaliweyn dhankaas iyo Bariga dhexe, Yurub iyo Woqooyiga Ameerika. Laakiin Soomaali badan ayaa qurbojoog ahaa xitaa ka hor dagaalka Sokeeye, iyaga oo shaqo iyo waxbarashaba u aaday dalalka Carabta, si gaar ah Sacuudiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Deegaanka Cardiff ee Ingiriiska waxaa uu muddo dheer hoy u ahaa Soomaali qurbojoog ah oo halkaa yimid wax badan ka hor xornimada Soomaaliya ee 1960dii.

Uunsi

waxaanu u baahanahay dareraha xabagta geedka maraaga (Af-Carabi: لبان; Af-Ingiriis: Frankincense) magaca Saynis: Boswellia Carterii, waa xabag ama caano geed , qayb ka mida luubaanta ayaa la calaaliliyaa guryahana waa lagu uunsiyaa iyadoo leh caraf heer sare ah, waxaa kaloo loo adeegsadaa daawo dhaqameedka, Luubanta waxaa aad loogu yaqaanaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo kuwa carabta. Luubaanta waxaa lagu shidaa Dabqaadka oo laga sameeyo dhagax khafiif ah sida burjikada.

luubaanta ayaa noocyo badan leh waxaana geedka luubaaneedku soo saaraa ilaa sadex mar sanadkii, meelaha uu ka baxo geed luubaaneedka ugu qaalisan dunida ayaa ah woqooyi bari soomaaliya , cumaan iyo yaman, waxaa kaloo laga hela jasiirada soqodra ee ku aadan woqooyi bari soomaaliya, ganacsi ayaa ka dhexayn jiray soomaalida iyo faraacintii luubaanta ku salaysan, dhulkii uduga ayaa lagu magacaabi jiray dhulka soomaalida,

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.