Waxbarasho

Waxbarasho (Af-Carabi: تعليم Af-Taliyaani: educazione Af-Ingiriis: education Amxaari: ትምህርት)

Education index UN HDR 2008
World map indicating Education Index based on the 2009 QM Human Development Report
  0.950 and over
  0.900–0.949
  0.850–0.899
  0.800–0.849
  0.750–0.799
  0.700–0.749
  0.650–0.699
  0.600–0.649
  0.550–0.599
  0.500–0.549
  0.450–0.499
  0.400–0.449
  0.350–0.399
  under 0.350
  not available
Afrika

Kani waa maqaal ku saabsan qaarada Afrika. Maqaalo kale eeg wadanada Afrika

Boga "Africa" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Afrika (Af-Ingiriis: Afrika; Af-Carabi: أفريقيا) waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²) tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.1 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.

Qarnigii 19aad ayaa wadamada reer Yurub go'aan ku gaadhay gumeysashada Afrika. Dawladda kaliya ee xor ahaa waqtiga halgankaas waa dawladda Darwiish ee abaanduulkii guud ka ahaa Ismaaciil Mire, iyo Qusuusi kale waliba u talin jirtey.

Aqoon

Aqoon

Aqoon sidoo kale loo yaqaano Cilmi (Ingiriis: Knowledge) waa habka ama nidaamka waxbarasho ee qof ama xayawaan lagu barayo ama fahansiinayo wax aanu aqoon u lahayn.

Markaan tix-raacno Af-Soomaaliga saxda ah ereyga Aqoon ayaa ah kalmada ugu haboon isticmaalka, halka ereyga Cilmi tahay mid af-Carabi ah inta badana loo isticmaalo magac qofeed.

Aqoontu waa furaha nololsha oo qofka ama xayawaanka aqoonta lehi aad ayuu uga maskax, fahan iyo karti badan yahay midka aan waxba aqoon.

Ereyga jaahil ayaa lid ku ah aqoonta.

Bare

Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan macalinka.

Macalin, Macalim (ingiriis: teacher; carabi: المدرس ama المعلم) waa qof waxbarasho u dhiga arday. Jaadyada macalimiintu way kala duwan yihiin, ka soo biloow macalinka diinta, macalinka xaafada, macalinka dugsiyada, macalinka khabiirka ah (sidoo kale loo yaqaano proffoser) ilaa shakhsiyaadka takhasuska ku ah xirfado gaar ah, dhammaan waxay ka siman yihiin waa qof waxbaraya, fahansiinaya, u sharaxaya qof kale.

Qofka wax baranaya waxaa lagu magacaabaa "arday".

Sida caadiga ah, macalinku waa mid aqoon fiican u leh waxa uu barayo, sidoo kale leh cilmi guud ahaaneed taasi oo u fududeynaysa inuu la jaanqaadi karo noocyada kala duwan ee waxbarashada.

Ereyga macalin ma ahan erey asal ahaan ka mid ah luuqada Soomaaliga; waxaanu ka soo amaahanay ereyga Al-macalim ee Afka Carabiga.

Sida diinta Islaamku sheegtay macalimku waa waalidka labaad ee ardeyga. Taas macnaheedu waa qadarin, sharaf iyo naxariis badan ayuu kugu leeyahay macalinka wax ku baraya.

Bulshada Soomaaliya

Bulshada Soomaaliya (Af-Ingiriis: demographics of Somalia; Af-Carabi: ديمغرافيا الصومال) waa mashruuc xambaarsan macluumaad badan oo ku saabsan beelaha, reeraha, luuqadaha, tirada bulshada, heerka waxbarasho, caafimaadka, dhaqaalaha, diimaha iyo qodobo kale oo saamayn ku leh bulshada.

Camuud

Camuud

Deegaanka Camuud (Amoud Valley) waa dhul beeroleey ah oo dhaca 5 km waqooyi bari magaalada Borama. Deegaankan oo leh dooxyo dhowr ah, sida Dooxa Qoor-gaab, ayaa waxuu caan ku yahay beeraha khudaarta iyo midhaha. Jaamacadda Camuud waxay ku taalaa koonfurta deegaanka Camuud, taasi oo ah meesha loogu magac daray jaamacada.Qisaastii wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya ayaa wuxuu dhisay dugsi sare oo loogu magac daray deegaanka Camuud, waa Dugsiga Sare ee Camuud. Tan iyo wakhtigii dowladii Siyaad Bare dugsiga Camuud wuxuu ahaa iskool ardeydu wax ka bartaan isla mar ahaantaana dhex dagan yihiin, sababtoo ah magaalada wuu ka go'naa dugsiga sare ee Camuud.Ka dib, burburkii dowladii Soomaaliya ayaa keenay in dugsigii sare isna burburo, kaasi oo dib loo soo nooleeyay sanadkii 1996dii markii la isla gartey in laga dhigo Jaamacada Camuud.}}

Dhaqan Soomaali

Kani waa maqaal ku saabsan dhaqanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri dhaqan iyo Dhaqanka Soomaaliya.

Dhaqanka Soomaalida (Af-Ingiriis: Culture of Somalia; Af-Carabi: ثقافة صومالية) waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xidhiidhka bulshada Soomaalidu la sameeysay bulshooyinka jaarka ah (deriska) iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fogfog. Sidoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.

Dugsi

Dugsi waa goob waḥbarasho oo ay ardaydu wax ku bartaan oo ay ku bartaan waxyaabo kala duwan dugsigu Waxa uu leeyahay marxalado kala duwan dugsiga ḥiligiisa ugu horeeya waxaa lagu tilmaamaa ama lagu magacaabaa uulo oo xilagaas wadamada ʿcaalamka badidooda waḥbarashadu waa qasab. Dugsigu waxa uu u qaybsamaa laba nooc oo kal ah mid ay dawl; adi maamusho iyo mid sigaara loo leeyahay

Gedo

Gedo (Af-Ingiriis: Gedo, Af-Carabi: جوبا الوسطى) waa gobol ka tirsan wadanka Soomaaliya, kaasi oo dhaca meel u dhow xadka wadankaasi la wadaago Kiinya.

Gobolka Gedo waxaa magaalomadax u ah magaalada Garbahaarreey.

Sida ku xusan taariikhda dadka Soomaalida gobolkan waxaa la aasaasay wakhtigii 1980maadkii waxaana xad la leeyahay deegaanada Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya, Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, iyo gobolka Bakool, Baay, Jubbada Dhexe, iyo Jubbada Hoose.

Jaamacad

Jaamacad (Af-Ingiriis: University; Af-Carabi: جامعة) waa xarun waxbarasho, cilmi-baadhis, aqoon ururin heer sare leh taasi oo bixisa Shahaadooyin darajo sare leh.

Jaamacadda Boosaaso

Jaamacada Boosaaso waxee ku taalaa magaalada Boosaaso ee woqooyiga Soomaaliya. Jaamacadaan waa jaamacad ween oo waxbarasho heersaro laga barto.

Kuliyada Caafimaadka

Kuliyada Caafimaadka

Kuliyada Caafimaadka (ingiriis: Faculty of Medicine) ee Jaamacadda Camuud waa waaxda caafimaadka ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee Hosbitaalka Hayaat ee magaalada Borama.

Bishii 9aad ee Sanadkii 2007da ayaa dufcadii u horeeysay ee dhakhaatiir ahi ka qalijebiyeen Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud.

Kulyada Farsamada Baardheere

Kuliyada Farsamada Baardheere - كلية لعلوم التطبيقية بارطيرآ ,waa kulyad farsamo oo ku taal magaalada Baardheere. Bardra Poytechnic oo afka qalaad lagu yiraah, waxaa loo aas aasay in bulshada gobolka Gedo looga faa'iideeyo khayraadka dhulka iyo manaafacaadka kale sida xoolaha nool. Kuliyad Farsmada Baardheere waa kulyadii ugu horeysay ee ka kooban barnaamijyo waafi tan iyo burburkii qaranimada Soomaaliyeed horaanta sanadkii 1991.

Magaalo

Magalo waa meel dad badani degenyihiin oo xarun u ah deegaanada ka agdhow eemarkaa raacsan. Magaalo inta dhexe, waxaa ku yaala ganacsiyaal iyo dhaqaalo kale.

Magaalo Waa Deegaan Rasmi ah oo leh Dhismayaal Ma Guurto ah oo Lehna Adeegyo Bulsho oo Aasaasiya Sida Dugsiyo Waxbarasho, Iyo Goobo Caafimaad

Magaalo waa dhul ama deegaan balaaran, dhisan oo dadyoow badan si joogto ah ugu noolyahay, Laga heleyo adeegyada bulshada. waxaana ka soo horjeedo Baadiyo, Magaalada waxeey leedahay Nidaam guud sida kireynta guryaha, Gaadiidka dadweynaha iyo dhismooyin dhaadheer.

Unug

Unug (Ingiriis:Cell) Unuggu waa waxa ugu yar waxa nool ama waxa la oran karaa waa halbeega nolosha. Unuggu waa waxa ugu yar xubnaha maatarka/walaxda ee si caddaan ah loo oran karo waa nool yahay. Waxaana waar sar micneheedu yahay waxaa unuggu samayn karaa wax allaale iyo wixii asaas u ah shaqada ee astaan u ah nolosha sida taranka, dheefshiidka, koritaanka iyo qaybsanka unugga giddina waxay ka dhacaan borotobalaasimka unugga gudihiisa. In kasta oo ay unugyadu iskaga mid yihiin aasaaska dul ahaaneed ee qaabka haddana waxa ka muuqda unnugyada in ay si aad ah u kala duwan yihiin.

Unugyaadu shaqada, dhiska, qaabka iyo baaxadaba waa ku kala geddisan yihiin. Dhanka kale haddi aynu ka eegno unugyadu waxay iskaga mid yihiin hawsha ka socota unugga gudihiisa iyo dhiska guud ahaaneed.

Waxbarashada Soomaaliyeed

Waxbarashada Soomaaliya (Af-Ingiriis: Education in Somalia; Af-Carabi: التعليم في الصومال) waa nidaamka waxbarasho ee wadanka Soomaaliya. Sida saxda ah, Wasaarada Waxbarashada ayaa ka masuul ah dhamaan tacliinta iyo waxbarashada wadanka Soomaaliya, taasi oo ay ku baxdo ilaa 15% miisaaniyada dowlada.

Maamulgoboleedka Somaliland iyo Puntland waxay leeyihiin nidaamyo u gaar ah, kuwaasi oo hoostega Wasaaradaha Waxbarasho ee maamuladaasi.

Xidig

Xidig

Xidig waa dab weyn oo cirka ku daadsan.Xidigta adduunka u dhaw waa Qoraxda oo energi badan siiyo Aduunka. Xidig kale oo aduunka u dhaw wa Proxima Centauri. Qoraxda waxee aduunka u jirtaa 149.600.000 km. Qof bin aadan oo xidigta u dhawaan karo majirto!!Xidigta ugu weeyn ee samada oo la ogyahay, waxaa la dhahaa VY Canis.

waxeena adduunka u jirtaa 5,000 oo if sanadeed ah.Xidigaha waxaa la arki karaa habeenkii, markii ee qoraxda dhacdo.

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.