Qare

Boga "Xabxab" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Watermelons
Qare
البطيخ الأحمر
Qare

Qare, Qaro, Xabxab waa miro lacuno oo aad uuga baxo dalka Soomaaliya ama wadamada kale oo kulul. Qaraha waxoo asalkiisa ka imaaday qaarada Afrika, maanta waxoo ka baxaa wadamada kale oo kulul sida aasiya ama bariga dhexe. qaraha dhulka oo ka bixi karo waa in oo ahaadaa dhul aad u kulul, isla markaas neh oo ahaadaa dhul qaleel ah.Qaraha meelaha oo kufiicanyahay waxaa ka mid ah, meelaha saxaarada ah, sida woqooyiga afrika, halkaas oo dadbadan noloshooda caawiyaa.

qaraha qaarkood way kala duwanyihiin, qaar waxaa jiro dhaxda jaale ka ah, qaarna waxay yihiin gaduud.

qaraha marka uu bisilyahay, waxaa ku garan kartaa, korkiisan waa cagaar oo sibibix ah. Haddii aad garaacdo, waxaa ka maqli kartaa dhawaaq, isla markaas waxaa ka ogaan kartaa in uu bisilyahay iyo in kale. Qaraha marka aa kala jarto, dhaxda waxa ayuu kaleeyahay hilib gaduud ah. Qaraha waxa ayuu ka koobanyahay biyo qaboow oo casiir ah oona macaan.

Qaraha waa miro sidiisa lagu cuno. Marka aad cunaysid waa in aad qaraha kala goysaa isla markaasna hilibka dhaxda ku jiro aad ka cuntaa. Qaraha waxaa kale loo isticmaalaa dhinaca qudaarta ama casiirka.Qaraha mararka qaarkood waxaa ayaa lagu qasaa miro kale, sida ayuu dhadhanka u bedelo.

Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah kuwo la kariyo iyo kuwo bisil oo sideeda lagu cuno. Isku soo wada duub hoos waxaad ku arki qaar ka mid ah guud ahaan khudaarta.

Waxtarka qaraha

Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa'ido u leh jirka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% inuubiyo yahay, saas ay tahayne waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jirka uusan ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan. Waxaa kaloo qaraha ku jiro macdanta bootaasiyamta oo unug walba oo jirka ka mid ah uu u baahan yahay. Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed laguma tiriyo midhaha lagu cayilo. Qaraha waxaa ku badan maaddada loo yaqaanno "Lycopene" waa maddoo ku yar midhaha kale, waxayna cilmibaarayaasha sheegaan in maadadaas inkastoo ay ku yartahay laga helo midhaha yaanyada, saytuunka gaduudan iyo cinabka gaduudan. Maadada "Lycopene" waxay ka qeyb qaaataa caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga "borostaatada" Waxay kaloo maadadaan la dagaallantaa sunta jirka ku jirto. Markasta oo qaraha aad u bislaado oo aad u sii gaduutto, maadada "Lycopene" way ku sii badan tahay. Borotiinka qaraha laga helo waxaa u badan nooca loo yaqaanno "citrulline" waxayna muhiim u tahay xididada dhiigga, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga. Waxaa kaloo qaraha ku jira maadada kaalsiyamta iyo birta inkastoo ay ku yaryiihiin.

Caafimaadka iyo Qaraha / Xabxabka:

A- Caafimaadka wadnaha: qaraha wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo unugyada murqaha wadnaha in ay duqoobaan, wuxuu kaloo ka hortagaa in xididada wadnaha ay subag ama dufan ay ku samaysmaan, qoraal lagu daabacay joornaalka dhiig-karka ee ka soo baxa wadanka maraykanka waxay cilmibaarayaal ku soo bandhigeen in qaraha uu yareeyo cadaadiska dhiigga ku dhaca dadka buurbuuran.

B- Ka hortagga caabuqa iyo Qaraha / Xabxabka: sidaan horay u soo xusayba, maadada "Lycopene" waxay yareysaa halista caabuqa iyadoo hoos u dhigto waxyaabaha ka qeyb qaata caabuqa iyo inay yarayso sunta jirka, sidaa awgeed takhtaatiir ayaa kula taliso dadka qaba xanuunnada riixa, roomaatiisamka iyo murqa xanuunka in ay badsadaan cunista iyo cabista qaraha.

C- Fuuqcelinta iyo Qaraha: qaraha wuxuu ugu horreeyaa cunnada jirka fuuqceliyo maadaama ay ku jiraan biyo aad u badan, taasoo macnaheeda ah in kilyaha iyo qashinsaarkaba aad ugu roon yahay, waxaana loo adeegsadaa in qururuxa yaryar ee kilyaha ama kaadi mareenka ku jiro in uu soo saaro, wuxuuna ka hortagaa suuxdinta kuleelka.

D- Dheefshiidka iyo Qaraha: xabxabka waxaa ku jiro maadada fiber-ka ama buunshaha loo yaqaano taasoo dheefshiidka iyo mindhicirrada caloosha u roon.

E: Maqaarka iyo Timaha: Maadada fitamiin A: waxay u roon tahay kobcinta unugyada maqaarka iyo tinta, waxayna ka hortaggaa jir qallaylka. Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan fitamiinnada iyo cunnada laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html

F: Kansarka borostaytka iyo Qaraha: cilmibaarayaal dhowr ah ayaa ogaaday in qaraha uu yareeyo tarmidda unugyada qanjirka borostaytka sidaasne uu ku yarayn karo halista cudurkaan, waxaan warbixintaan lagu soo bandhigay machadka ka hortagga kansarka.

Soonka iyo cunista ama cabidda Qaraha:

Faa'idooyinkaa kor ku xusan awgood, qaraha waxaa lagu xisaabiyaa midhaha ugu horreeya oo haddii la heli karo in lagu afuro ay fiican tahay, sababtuna waa sidatan: 1- Qaraha oo oonka u roon iyo fuuqcelinta jirka 2- Qaraha oo dheefshiidka u roon oo caloosha iyo mindhicirrada u diyaariya cuntooyinka aad ku afuri rabitd. 3- Qaraha oo qulqulka dhiigga kordhiyo taasoo qofka uu ka heli karo nashaad iyo firfircooni, khaas ahaan salaadda taraawiixda. 4- Qaraha oo leh faa'idooyin nafaqo jirka uu u baahan yahay.[1]

Tixraac

http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0

  1. http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0
Barandho

Ka timid Wikipedia, Insaykalabeedhiyaha Xorta ah

Kani waa maqaal ku saabsan "Barandhaha". Isticmaal kale fiiri Barandhe (isticmaal kale)Barandho, Baradhe, Bataatis (Af-Carabi: البطاطس Af-Taliyaani: patata Af-Ingiriis: potato) waa midho ka mid ah khudaarta oo ka baxa dhirta xididadeeda. Barandhadu waxay ka mid tahay cuntooyinka dadka iyo xooluhu quutaan. Inta la ogyahay waxaa jira dhowr nooc oo barandho ah kuwaasi oo ku kala duwan midabka, dhadhanka, xajmiga iyo qarada. Jaada ugu caansan ee dunida inta ugu badan laga helo waa barandhaha cadaan-huruud (yellow-white) qolof fudud leh. Barandhuhu waa cuntada afaraad ee dunida, waxa ka horeeya bariiska, qamadiga iyo galleyda oo kali ah.

Sida ay xuseen khubarada cilmibaadhista dhirtu, baradhadu waxay asal ahaan ka soo jeedaa dhulka hoose ee wadanada Koonfurta Ameerika, gaar ahaan Chile. In kastoo isbedel xaga jiiniska (genes) lagu sameeyay barandhaha, hadana 99% barandhaha caalamka laga isticmaalo waa mid ka soo jeedaa deegaanadaasi Koonfurta Ameerika.

Barandhaha oo ah khudaar midho wareegsan oo midabo badan leh, inta badan huruud cadaan ku dhex jiro, ayaa ka mid ah khudaarta lagu daro cuntada ama kaligiis la karsado.

Midhaha geedka barandhadu waxay ka baxdaa carada dhulka hoosteeda.

Beer

Kani waa maqaal ku saabsan beeraha. Maqaalo kale fiiri "beero". Haku khaldin beer noole ee xayawaanka.

Beer, Beero (wadar) (ingiriis: agriculture; carabi: زراعة) waa nidaamka abuurida, korinta, xanaaneynta iyo soo saarida dhir laga sameeyo cunto, dhar, daawo, hooy iyo guud ahaan manafaac taageera nolosha dadka, xoolaha, xayawaanka iyo inta ku tiirsan. Beeruhu waa aasaaska nolosha iyo jiritaanka nolosha, iyo barta ay ka soo uunkantey horumarka xadaarada aadamaha.

Waxa jira noocyo badan oo beero ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxak ale oo ay kakooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee.

Cadakibir

Dagmada Cadakibir waxey ka tir san tahay gobolka Galgaduud, waxey 70km dhanka bari kaga beegan tahay dagmada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb. Cadakibir waxaa labineeyay 1980. 1985 waxaa laga qoday ceel biyoodkii ee ugu horeeyay.

Cadakibir waxey ka tirsantahay maamulka Ximan iyo Xeeb. Cadakibir waa magaalo ciid gaduudan kuna wanaagsan dhul beereedka; waxyaabaha lagu beero waqtiga xili roobaadka waxaa ka mid ah: qare iyo digir. Magaaladu waxay leedahay school hoose dhexe iyo isbitaal MCH ah iyo garoomada kubada cagta, waxeyna leedahay koox cubada cagta ah oo ka qeyb gasha tartanka ciyaaraha ee dagmooyinka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Tuulooyinka hoostaga dagmada Cadakibir waxaa ka mid ah :

1. Ardo

2. Qaayib

3. Baaladheer

4. Ciinle

5. Cadawilif

6. Abooray

7. Gubata dheer

8. Quraar

9. Quuri koox

10. Shilan wayne

11. Dhuumoodle

12. Laan mareer

13. Magyoolay

14. Wajixun

15 sadax barin

Waxaaidiin diyaariyey qoraalkaan MAXAMUUD CALI CABDI (FIIDHACYO)

Cammaara

'Camaaro waa dagmo ku taal gobolka Mudug waxay ku dhawdahay magalada xarardhere waxay ujirta 80 kiilo mitir waxa badeecada looga keenaa magalada galkacyo waxayna hoos tagta mamulka galmudug waxaana daga beesha Saleeban ee Habargidir’.

magaalada Camaaro ayaa ah magaalo aad u qaboow cimilo ahaan waxaana

kabaxa qudarta qeybaheeda kala duwan sida "Yaanyada,basasha,baradhada,mooska,cambaha,liinta, ................

Cidlo maahan dunidani ceyn kastoy tahaye

Ceyshkana intuu Caadil qoraa laga cunaa yaahe

Camaarana ninkii caga dhigaa wuu cajabayaaye

waxyaabey ku caantahay hadaan ceynkamida sheego

Ciideeda udugaa caafimaad weeyaane

Ceebna malahan qudaar nuuc walbaad ku cabireysaaye

Canbe moos iyo qare kaad beertana waad kacuneysaaye

Cajab weeye casirkii ceelaad qodaad biyo kala caraabee e

Kamsar

Kamsar, Kabsar (Af-Carabi: القزبر ama Af-Carabi: التِّـقْـدَة; Af-Ingiriis: coriander) (magaca Sayniska Coriandrum sativum) waa geed cawseed sanadle ah (sanadkii hal mar dhasha oo miro keena) caleentiisa raashinka ama suugada lagu carfiyo.

Liin

Kani waa maqaal ku saabsan Liinta. Bogag kale fiiri Liin Dhanaan, Liin Qarboosh, Liin Baydarin iyo Liin Bambeelmo

Boga "Liin Macaan" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Liin (Af-Ingiriis: orange; Af-Carabi: برتقال) waa midho ka mid ah khudaarta taas oo ka baxda dhirta oo siday tahay lagu cuno.. Liintu waxay ka mid tahay midhaha bisil ee sideeda lagu cuno, ayadoo laga helo biyo iyo fiitamiino badan.

Liintu waa midho wareegsan oo leh qolof midab oranji ah iyo mid casuus ah gudaha, waxaanay ka baxaan geedo dhexdhexaad ah oo qodax miidhan ah.

Taariikh ahaan, dadku waxay midhaha liinta aqoon u lahaayeen tan iyo qarniyaal badan. Sida lagu cadeeyay qoraal la helay wakhti dhowayd, dadka Shiinaha waxay isticmaali jireen khudaarta liinta ilaa 314 sano Ciise Hortii Beerashada geedka liintu wuxuu aad u batay sanadkii 1987kii taasi oo la sheegay in uu labo-laabmey beerida iyo soo saarka liintu, taasi oo iyadna ku salaysneed kordhitaanka suuqa liinta caalamka. Orange trees are widely grown in tropical and subtropical climates for their sweet fruit. The fruit of the orange tree can be eaten fresh, or processed for its juice or fragrant peel.Warbixin ay Hay'ada Cuntada Aduunku soo saartey sanadkii 2012ka Liin Macaantu waxay ahayd 70% dhamaan liinta caalamka la soo saaro. Wadanada caalamku waxay soo saareeyn ilaa 71.4 milyan oo liin ah sanadkii 2013ka, taasi oo wadanka Baraasiil ahaa midka koowaad, wadanka Maraykanka ayaa ku noqdey wadanka labaad ee ugu soo saarka badan liinta aduunka, gaar ahaan gobolka Florida iyo Kalifornia ayaa ugu batay beerida iyo soo saarka.

Liinta biyaheedu aad ayay u macaan yihiin, oo waxa ka dhamama sonkor iyo xoogaa dhanaan ah, waxaanay qani ku tahay fiitamiin sii (vitamin c) jidhka dadku u baahan yahay.

Waxaa jira dhowr nooc oo liin ah, kuwaas waxaa ka mid ah: Liin Dhanaanta, Liin Bambeelmo, Liin Beydariin, iyo Liin Qarbooshta.

Khudaarta iyo midhaha maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: tufaaxa, cambeha, basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, babaayga, mooska, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Qaamuus finnish soomaali finnish

Kenwood

Reexaan

Reexaan (Af-Carabi: ريحان Af-Ingiriis: Basil) waa jaad ka mida dhir uduga cuntada lagu carfiyo, saliideeda waxaa laga sameeyaa catarka iyo noocyo ka mida cabitaanka

Sh. Axmed Wacdiyow

Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan Sh. Axmed Wacdiyow / Gabyow allaha y raxmadee waxa uu (ku dhashay Cadale) waa nin caalim ah oo diinta Islaamka wax ka yaqaan, waxaa kaloo uu ahaa gabayaa tiriya gabayga nooca loo yaqaan masafada.

waxaana Gabayadiisa ka mid ah:-

Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid

Sidii rasuul rabi nooma soo dirin.

Mana rabnoo naga reed bax waa niri

Hadaad ruux la dagaasho kaa rooooooon

Reerkaad u kaashan laheydne raagaan

Ragoow hadoo qalbi waa la rafaadaa.

Shigni

Kani waa maqaal ku saabsan Besbaaska Shiidan. Bogag kale fiiri Basbaas.

Shigni waa basbaas shiidan (ridqan) oo lagu darsado cuntada.

Shigniga ama basbaaska shiidan waxaa laga isticmaalaa dhamaan dunida, in kastoo lagu kala duwan yahay qaabka loo sameeyo. Tusaale ahaan, dadka Soomaalida ah waxay inta badan ka sameeyaan basbaas, basal, tamaandho, liin dhanaan iyo mararka qaar oo lagu daro toon. Wadanada Maraykanka iyo Yurub waxaa caan ka ah "Shigniga Macaan" kaasi oo ah iskudarka basbaas, basal iyo geedo kale oo macaaneeya.

Guud ahaan, shigniga waxaa loo isticmaalaa in uu cuntada dhadhan fiican u sameeyo, wuxuuna ka kooban yahay in ka badan 50% basbaas.

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.