Kanada

Kanada waa wadan ku yaalo Woqooyiga Ameerika waxoona ku fadhiyaa dhul balaaran. Kanada waxee xuduud la leedahay dalka Mareykanka oo goboladiisa badan ka xiga Koonfur iyo gobolka Alaska oo ka xigta Woqooyi Galbeed, dhinaca bariga neh waxaa kaga dhagan [[badweynta Atlantik]].Kanada waa Dawladda labaad ee ugu ween aduunka, ayadoo Dawladda koowaad ay tahay Ruushka. wadanka kanada waxaa markiisa hore degenaan jiray dadka indianka ah oo assalkooda ka imaaday qaarada aasiya iyo dad inuit ah oo u badan griinland. Kanada waxay leedahay dad ah 35,151,728.

Kanada
Canada
Calanka Kanada Astaannta Qaranka ee Kanada
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Amerika
Location of Kanada
Caasimada Ottawa
Luuqada(ha) Looga hadlo Ingiriis, Faransiis
 -  Raysal wasaare Justin Trudeau
 -  Xukun Boqortooyo HM Queen Elizabeth II
Area
 -  Total 9,984,670 km2 km² 
3,854,085 sq mi sq mi 
 -  Biyo (%) 8.92
Cadadka Dadka
 -  2010 qiyaas 309,075,000 
GDP (nominal) 2017 estimate
 -  Total $1.785 trillion[1] 
 -  Per capita $29,550[1] 
Lacagta Doolar $ CAD
Wakhtiga UTC-3.5 ilaa -8
Xiliga xagaagane(-2.5 ilaa -7) 

Taariikh

wadanka kanada dadkii ugu horeeyay oo soo booqday waxee ahaayeen dad yurubiyan ah 1000 sano ka hor, gaar ahaan vikingka norwajka, laakiin 600 oo sano kadib ee ajaaniibta badanaa soo wada galeen. Sannadkii 2015, Canada waxaa loo doortay ra'iisul wasaare Justin Trudeau.

Canadian parliament MAM
Parliament Hill a Ottawa, la capitala de Canadà.

Gobollada

  • Alberta
  • British Columbia
  • Manitoba
  • New Brunswick
  • Newfoundland and Labrador
  • Nova Scotia
  • Ontario
  • Prince Edward Island
  • Quebec
  • Saskatchewan
Gobollada Aagga Dadka
Kanada 9,093,507 35,151,728
Alberta 642,317 4,067,175
British Columbia 925,186 4,648,055
Manitoba 553,556 1,278,365
New Brunswick 71,450 747,101
Newfoundland and Labrador 373,872 519,716
Northwest Territories 1,183,085 41,786
Nova Scotia 53,338 923,598
Nunavut 1,936,113 35,944
Ontario 917,741 13,448,494
Prince Edward Island 5,660 142,907
Quebec 1,356,128 8,164,361
Saskatchewan 591,970 1,098,352
Yukon 474,391 35,874
STS-116 Payload (NASA S116-E-05364)
Il manipolatore robotico Canadarm in azione a bordo dello Space Shuttle Discovery durante la missione STS-116 del 2006

Mapa geopolitica de Canadà mostrant las dètz províncias e los tres territòris

Mapa geopolitica de Canadà mostrant las dètz províncias e los tres territòris
Winnipeg-Skyline-feb18-2008
Winnipeg, vista del centre
Toronto Location in Ontario
Localizacion de la ciutat en Ontàrio
Guèrra de Sèt Ans (1756-1763) - Teatre d'America dau Nòrd
Teatre d'America dau Nòrd de la Guèrra de Sèt Ans (1756-1763).
Canadà - Territòri canadenc en 1867
Territòri canadenc en 1867.
  1. 1.0 1.1 Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named IMF database 2018
Af-Ingiriisi

Afka Ingiriiska (Af-Ingiriis: English; Af-Carabi: لغة إنجليزية) waa luuqad looga hadlo dhowr wadan waxeeyna tahay luqod caalamka aad looga xishmeeyo. Asal ahaan Afka ingiriiska wuxuu ka yimi luqadda Afka Laatiiniga, waxaana lagu alifey wadanka Ingiriiska. Fiditaanka uu Afka ingiriiska ugu fidey dunida waxaa sabab u ah gumeysigii Ingiriisku uu ku gumeystey dunida barkeeda kala bar. Mar walba oo uu wadan gumeysto, Ingiriisku wuxuu ka dhigi jirey afkiisa afka dawladda iyo tan barida.

Alaska

Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Alaska, Maraykanka.

Boga "AK" halkan ayaa laga soo toosiyay.Alaska (/æskə/) waa gobol dhaca waqooyigalbeed ee cidhifta qaarada Waqooyiga Ameerika kaasi oo ka tirsan kontonka gobol ee wadanka Maraykanka.

Bariga Gobolka Alaska wuxuu xad kala leeyahay wadanka Kanada deegaanda Yukon iyo gobolka Kanada ee Biritish Kolombiya. Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga gobolkan Badweynta Araktika; iyo Badweynta Baasifik oo ka xigta galbeedka iyo koonfur. Intaas waxaa dheer wadanka Ruushka (gaar ahaan "Deegaanda Jukotka Okrug" iyo "Kamjatka Krai") aya ka xiga galbeedka fog.

Dhinaca kale, gobolka Alaska waa deegaanka ugu weyn kontonka gobol ee Maraykanka, sidoo kale wuxuu kaalinta afaraad kaga jiraa liiska gobolada ugu dadka yar, waxaana ku nool gobolka dad gaadhaya 735,132 qof kuwaasi oo intooda ugu badan ku dhaqan yihiin magaalada Ankoraje iyo nawaaxigeeda.

Dhaqaalaha gobolka Alaska waxaa u lafdhabar ah shidaalka, gaaska dabiiciga ah, iyo wershadaha kaluumeysiga kuwaasi oo ah kheyraad aad ugu qani ah deegaanada gobolka Alaska.

Waxaa iyadna dhaqaalaha aad u kaba dalxiiska iyo siyaarada joogtada ah ee caalamka oo dhan.

In kastoo kumanaan sano lagu soo noolaa deegaanda Alaska, hadana dunidu waxay si fiican u baratey gobolka iyo sheekooyinkiisa wixii ka dambeeyay qarnigii 18aad goortaasi oo la ogaaday kheyraadka ku keeydsan iyo nolosha ka jirta deegaanada Alaska.

Markii ay taariikhdu ahayd Maarso 30, 1867dii ayaa dowlada wadanka Maraykanka iibsatay gobolka Alaska, taasi oo siisay boqortooyadii Ruushka lacag dhan US$ 7.2 milyan. Dhulka Alaska marka lagu qiimeeyo lacagta dowlada Maraykanku ka bixisey waxay noqoneysaa labo senti halkii akre ee dhul ah ($4.74/km2).

Barbados

Barbados waa wadan jasiirado ka sameesan oo ku yaalo Karabiya. Waa jasiirada ugu yar aduunka, laakiin dadka aad ee iskuugu dhowyihiin. Jasiiradaan waxaa degen dad gaaraayo ilaa 300,000 oo qof.

Barnamijka Deegaanka Dadka Qaramada Midoobay

Boga "UN-HABITAT" halkan ayaa laga soo toosiyay.Barnamijka Deegaanka Dadka Qaramada Midoobay (Af-Ingiriis: United Nations Human Settlements Programme, loo soo gaabiyo: UN-HABITAT; Af-Carabi: برنامج الأمم المتحدة للمستوطنات البشرية) waa wakiil khaas ah oo Ururka Qarama Midoobay u qaabilsan deegaanka dadka iyo kobcinta horumarka magaalooyinka.

Ururka UN-HABITAT waxaa la sameeyay 1978 magaalada Faannkuver wadanka Kanada wakhtigaasi oo la odhan jirey "Habitat I".

Ururku wuxuu xarunta sare ku leeyahay magaalada Nayroobi wadanka Kenya.

Belise

Belise (Belize) wa wadan yar oo ku yaalo Bartamaha Ameerika, dhinaca Badda Karabiya.

wadankaan waxoo xuduud la leeyahay wadamada Meksiko iyo Guatemala.

Detroit

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Detroit, Mishiigan, Maraykanka.Dhetroyt, Detroit (/trɔɪt/) waa caasimada ugu dadka badan gobolka Michigan wadanka Maraykanka, iyo magaalada ugu weyn ee xigta xadka Maraykanka iyo Kanada. Sidoo kale Dhetroyt waa fadhiga dowlada degmada Wayne, goobta ganacsi, dhaqan, dhaqaale, gaadiid iyo dhaqdhaqaaq badan gobolkaasi Mishiigaan.

Dhinaca kale, Caasimada Dhetroyt marka lagu daro deegaanada nawaaxigeeda ah waa metropolitanka ugu weyn ee gobolada loo yaqaano "Midwestern" ee wadanka Maraykanka, kuwaasi oo hooy u ah bulsho dhan 5.3 milyan (sida lagu ogaaday tirokoob dowlada Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka). Intaasi waxaa dheer, caasimadani waa xudunta Webiga Dhetroyt, Harta Great ee ku xidhanta Saint Lawrence Seaway.

Caasimada Dhetroyt waxaa la aasaasay Luulyo 24, 1701; waxaana aasaasay sahamiyayaal u dhashay wadanka Faransiiska oo lagu magacaabi jirey Antoine Laumet de La Mothe, sieur de Cadillac iyo koox la socotey.

Guud ahaan, caasimada Dhetroyt waa xarunta dhaqaalaha sadexaad ee gobolka Midwest; waxaa ka horeeya magaalooyinka Chicago iyo Minneapolis.

Magaaladu waxay si fiican u soo shaacbaxdey horaantii qarnigii 21aad, goortaasi ooy ka faa'iideysatey dhismaha wadooyinka tareenka, laamiyada waaweyn iyo wadooyinka isku xidha gaadiidka taasi oo suurtogelisay socodka alaabaha iyo ganacsiga magaalada.

Deegaanka waqooyi ee Caasimada Dhetroyt ee loo yaqaano Dhetroyt-Windson waa xarunta xidhiidhisa wadanka Maraykanka iyo dalka Kanada, taasi oo leh bulsho dhan 5,700,000. The Detroit metropolitan region holds roughly one-half of Michigan's population.Si kastaba ha ahaatee, Caasimada Dhetroyt waxaa aduunka looga yaqaanaa "Caasimada Gaadiidka", sababtoo ah waa deegaanka koowaad ee ugu soo saarid badan guud ahaan gaadiidka lagu isticmaalo wadanka Maraykanka gudahiisa iyo kuwa loo dhoofiyo caalamka intiisa kale.Wershadaha gaadiidka ee magaalada Dhetroyt waxay waligeedba u ahayd lafdhabar miisaanka wadanka Maraykanku ku leeyahay beesha caalamka, taasi oo magaaladani ahayd meeshii ugu soo saarka badneyd gawaadhiga dagaalka wakhtigii Dagaalkii Labaad ee Aduunka.Waxaa intaas dheer, Caasimada Dhetroyt waxay caan ku tahay heesaha, taasi oo lagu naaneyso Caasimada Heesaha iyo Motown oo looga dan leeyahay sida dadka magaaladu ugu qoto dheer yihiin fanka iyo suugaanta wadanka Maraykanka.

Sanadihii u dhexeeyay 2000 ilaa 2010ka waxaa isbedel xoog leh ku yimid bulshada magaalada, taasi oo hoos u dhac ku yimid ilaa 25%, midaasi oo ka saartey booskii marka hore ku jirtey ee caasimada 10aad ee ugu dadka badan oo ay noqotey mida 18aad ee wadanka Maraykanka. Waxaana tirokoob la sameeyay sanadkii 2010, lagu ogaaday in bulshada magaaladu tahay 713,777, halka sanadkii 1950ka ay ka lahayd bulsho 1.8 milyan oo dad ah.

Hoos u dhaca bulshada waxaa lagu eedeyaa hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha, shaqooyinka iyo wershadaha magaalada; kuwaasi oo keenay in dad badan ka guuraan ayagoo raadsanaya meelo dhaqaale dhaama.

Si looga hortago bulsho yaraanta soo waajahday magaalada ayaa dowladaha gobolka iyo federaalka wadanka ayaa iska kaashaday sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo, loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo adeega bulshada. Waxaa dowlada gobolka Mishiigaan oo kaashanaysa dowlada Federaalku ku guulaysatay ineey abuurto goobo dhiirigeliya dhaqaalaha, horumarka iyo adeega bulshada.

In kastoo horumarku iska koobnaa, laakiin talaabooyinkaasi waxay baajiyen in caasiamda Dhetroyt hoos u dhac weyn sii sameeyso, waxaana sanadan dambe muuqda hidiilo iyo horumar kor u soo kicid ah.

Dhir

Kani waa maqaal ku saabsan "dhirta". Bogag kale fiiri Geedaha iyo beeraha.Dhir (Af-Ingiriis: plant; Af-Carabi: نبات) sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan.

Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub.

Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha.

Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysato cunto ayadoo isticmaaleysa ileyska qoraxda, biyo iyo kaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa'iido badan u leedahay dunidan aan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeyso hawada Ogsajiin oo ah mida teegeerta nolosha xayawaanka iyo dadka. Intaas waxaa dheer in dhirtu soo saarto midho, caleemo, jirid iyo xidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin.

Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: beeraha, keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka.

Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sida saxareha ama lamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta.

Dhirtu waa noolaha kali ah ee cuntadiisa diyaarsada ayagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaano Habka Samayska Cuntada (photosynthesis).

Geeduhu waxay u baahan yihiin ileys (inta badan ileyska dabiiciga ah ee qoraxda), biyo ay xididadu ka soo nuugaan dhulka iyo hawo - gaar ahaan kaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.

Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha dhirta, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin hawo ah oo caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.

Qaacidada Habka Samayska Cuntada ee dhirtu waa sidan:

2n CO2 + 2n DH2 + Ileyska Qoraxda → 2(CH2O)n + 2n DO

Kaarboon-labo-ogsaydh + deeq elektaron + awooda iftiinka → Kaarbohaydarate + deeq elektaron ogsajiin

Habkan cunto samayska dhirtu wuxuu dhacaa wakhtiga maalintii sababtoo ah iftiinka falaadhaha qoraxda waa lagama maarmaan. Sidoo kale, habkani waxaa lagu sameeyn karaa nidaam loo yaqaano greenhouse oo iftiin fiican siin kara geedka.

Habka samayska cuntada dhirta waa deeqaha koowaad ee Ogsajiinta ku dara hawoda. Markasta oo geedku cunto sameeysto Ogsajiin ayuu sii daayaa taasi oo dadka iyo xayawaanku neefsadaan.

Eastern Time Zone

Eastern Time Zone -5

Bariga Waqooyi Bari (ET) waa degmo xilliyeed oo ku yaalla 17 dawladood oo Maraykan ah oo ku yaal qaybta bari ee Maraykanka, qaybo ka mid ah bariga Kanada, gobolka Quintana Roo ee Mexico, Panama ee Bartamaha Aasiya, iyo Caribbean Islands.

Meelaha isticmaala Waqtiga Waqtiga Bari (EST) marka la eegayo waqtiga caadiga ah (dayrta / jiilaalka) waa 5 saacadood oo ka dambeeya Isku-xirka Universal Time (UTC-05: 00).

El Salfador

El Salvador waa wadan ku yaalo, Woqooyiga Ameerika ama (dhaxbartanka ameerika).

El salvador waa wadanka ugu yar woqooyiga ameerika.

Gobolada Isku Tegay ee Ameerika

Mareykanka (Af-Ingiriis: United States of America, loo soo gaabiyo U.S.A; Gobolada Isku Tegay ee Ameerika; carabi: الولايات المتحدة) waa dawlad Federaal Dastuuri ah dhacdana bartamaha Waqooyiga Ameerika.

Waxay ka koobantahay 49 gobol iyo Degmada Kolombia, (D.C. ama "District of Colombia"), oo ah magaalo-madaxda wadanka iyo xarunta dowlada wadanka. Waxaa ka xiga dhanka waqooyi Kanada, koofur Meksiko, iyo Gobolka Alaska oo dhaca Waqooyi Galbeed Qaarada Ameerika.

Masaaxada (badka) wadanka Mareekanka waa 9.83 milyan km2, tirada dadkane waa 309 milyan Dawlada Mareykanka n xaga dhulka ama badka wadanka ku fadhiyo, waana dawlada seddexaad ee ugu dad badan aduunka, dad degen dalka mareykanka waxee gaarayaan ilaa 310 miliyan oo qof. Sidoo kale waa wadanka koowaad oo ay ku noolyihiin dad kala dhaqan iyo kala asal ah. Dhaqaalaha Mareykanka waa kan ugu balaaran dunida, ayadoo lagu qiyaasay sanadii 2008 aduun dhan 14.4 tiriliyan oo Dollarka Mareykanka wax soo saarka wadanka ee dabada loo iib geeyo.

Wadanka Mareykanka wuxuu xonimadiisa ka helay gumeestihii Boqortooyadii Ingiriiska sanadka marka oo ahaa 1776ii, wakhtigaasi oo Mareykanku ka koobnaa 13gabol oo ku yaalay dhinaca bariga ee dalkaas. Wadanka waxoo balaaraday bilaawgii 1800meeyadii, waxoona gobolo ka qabsaday wadamada Faransiiska, Isbaanishka, Ingriiska, Maksiko iyo Ruushka, waxoona ku sii darsaday labada gobol oo markaas ahaa jamhuuriyado, Teksas iyo jasiirada Hawaay. Khilaafkii ka dhashtay Gobolada Koonfurta iyo woqooyiga oo markaas ku murmaayay xukunka gobolada iyo dhinaca adoomada waxoo sababay dagaalkii sokeeyay oo dhacay sanadka marka oo ahaa 1860meeyadii. Gobolada woqooyiga ayaa ku guuleestay in ee wadanka mideeyaan isla markaaas neh oo joogsaday adoonsiga. Dagaalkii mareykanka iyo spania iyo dagaalkii aduunka kii labaad, militariga mareykanka waxaa lagu gartay in oo yahay kan ugu awooda badan aduunka.dhamaadkii Dagaalkii aduunka kii 2aadm, waxoo wadanka mareykanka ahaa wadanka kaliya oo watay bombada halista ah ee looyaqaan atombomb.Marka ee dhacday xukunkii soviet union 1991kii , wadanka mareykanka waxoo ku soo baxay wadanka kaliya oo ugu awooda ween aduunka.

Kuuba

Kuuba waa waddan ku yaala. ameerika gaar ahaana mandaqada kareebiyanka caasimada Kuuba waa hafana.

Kuuba ama ENGKISH Cuba waa wadan ku yaala wuqooyiga Ameerika. Wuqooyiga waxaa ka xigo wadamada Mareykanka iyo Bahamas koonfurta waxaa ka xigto Maksiko. Kuuba wexey ka kooban tahay 15 gobol Caasimadda wadanka waa Havana...

Meksiko

w:en:mexico

Meksiko (Mexico) ama Gobolada Midoobay ee Meksiko Af-Isbaanish Estados Unidos Mexicanos waa wadan ku yaalo, Woqooyiga Ameerika, waxoona xuduu la leeyahay, wadamada Mareykanka, Guatemala, iyo Belise, galbeedka neh waxaa kaga dhagan, Badweynta Baasifik, bariga neh, Gacanka Meksiko iyo badda karabiya. Wadankaan waxaa looga hadlaa luqada af isbaanishka oo ah luqada rasmiga oo looga hadlo.

Minnesota

Template:Infobox U.S. state symbols

Minnesota (/ ˌmɪnɪsoʊtə / (Sannadkan maqlaa) waa gobol ku yaalla gobollada Upper Midwest iyo waqooyiga ee Maraykanka. Minnesota waxaa loo aqoonsaday inay tahay waddanka 32aad ee Maraykanka bishii May 11, 1858, oo laga sameeyay qaybta bari ee Gobolka Minnesota. Gobolka wuxuu leeyahay tiro ballaadhan oo haraha ah, waxaana loo yaqaan 'slogan "Land of 10,000 Harag". Qorsheha rasmiga ah waa L'Etoile du Nord (Faransiiska: Star of the North).

Minnesota waa meesha 12aad ee ugu weyn ee degaanka ah iyo tan ugu badan ee ku nool Mareykanka. ku dhowaad 60% deganayaasheeda waxay ku nool yihiin magaalooyinka Minneapolis-Saint Paul (oo loo yaqaan 'Twin Cities'), xarunta gaadiidka, ganacsiga, warshadaha, waxbarashada, iyo dawladda, iyo guryaha bulshada caalamka la yaqaan. Inta ka harsan qaranku waxay ka kooban tahay jamacadaha reer galbeedka ee hadda la siiyay beeraha qallafsan; xayawaanka cagaaran ee koonfur-bari, hadda qayb ahaan ayaa la nadiifiyey, beerey, oo degay; iyo Waqooyiga Woods oo yar, oo loo isticmaalo macdanta, dhirta, iyo madaddaalada.

Minnesota waxaa lagu yaqaanaa heerkeeda sare ee noloshooda iyo heerkeeda sare ee kaqaybgalka bulshada iyo cod bixinta codbixiyayaasha. Ilaa wakhtigii xalalkan cad, Minnesota waxaa degganaa Dakota iyo Ojibwe / Anishinaabe. Intii lagu jiray qarnigii 19aad iyo qarniyadii 20aad, tiro badan oo reer galbeed ah ayaa galay dalka oo badiba ka soo haajiray Scandinavia iyo Germany. Gobolka ayaa maanta ah xarun ka tirsan dhaqanka Mareykanka ee Maraykanka iyo Jarmalka. Sannadihii ugu danbeeyay, soogalootiga Aasiya, Geeska Afrika, Bariga Dhexe, iyo Laatiin Ameerika waxay ballaariyeen qaabka dadweynaha iyo dhaqanka. Heerka qiyaasta nolosha ee Minnesota wuxuu ka mid yahay kuwa ugu sarreeya Maraykanka, gobolkuna sidoo kale wuxuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan ee ugu aqoonta badan dalka.

Minasota waa Gobol ku yaalo, dalka Mareykanka. magaalda ugu wayn ee goblkani waa Minneapolis waxa soo labaysa magalda Saint Paul oo ah caaasimada gobolka waxaana lagumagacaabaa labaads magaalo mataanaha waxa uu gobolkani kuyaalaa badhtamaha qaybta waqooyi ee maraykanka waxa uu xuduudo la leeyahay dhanka waqooyi xuduud waxa uu kalleeyahy wadanka Kanada waxa uu gobolkani xuduud laleeyahy laba gobol ee kuyaa wadnka kanada ee montariyo iyo manitoba waxa kale oo xuduud la leeyahy goblka dakota oo kaxiga dhanka galbeed iyo gobolka aywa oo koonfur kaxiga waxa kale oo uu wali xuduud la leeyahy gobolka Kanada oo kaxiga dhanka isna dhanka galbeed. Minnesota waxa ay gashay midawga gobolda maraykanka sanadii 1858 waxa uu ahaa gobolkii 32 ee kusoobiira midawga gobalada maraykanka

Misir

Misir (Af-Ingiriis: Lentil; Af-Carabi: عدس) magaca Saynis yahay "Lens culinaris" waa geed leh midho firiley ah oo la qoys ah bahda digirta.Midhaha misirku waa kuwo yaryar, wareegsan sida goobada, khafiif ah, qolof ama dahaadh sare oo fudud leh, isla markaana midabo kala duwan leh taasi oo ku xidhan deegaanka, carada, nafaqada geedku helo iyo cimilada. Geedka misirku wuxuu gaadhaa ilaa 40 sentimitir dhererkiisu, midhahiisuna waxay ku dhex jiraan qolof wareegsan.

Qurbajoogta Soomaaliyeed

Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa loola jeedaa Soomaalida joogta daafaha aduunka una leh dhaqan oo aan la dagin koox isirkooda ahayn. dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu aad u kordhiyay tirada Qurbajoog, sidaas oo kale waxay sababtay in ay baxaan Soomaaliweyn dhankaas iyo Bariga dhexe, Yurub iyo Woqooyiga Ameerika. Laakiin Soomaali badan ayaa qurbojoog ahaa xitaa ka hor dagaalka Sokeeye, iyaga oo shaqo iyo waxbarashaba u aaday dalalka Carabta, si gaar ah Sacuudiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Deegaanka Cardiff ee Ingiriiska waxaa uu muddo dheer hoy u ahaa Soomaali qurbojoog ah oo halkaa yimid wax badan ka hor xornimada Soomaaliya ee 1960dii.

Toronto

Toronta waa magaalo oo kuyaalo dalka Kanada.

Ururka Adeega Duulista Caalamiga

Boga "ICAO" halkan ayaa laga soo toosiyay

Ururka Adeega Duulista Caalamiga (Af-Ingiriis: International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah. Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca.

Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta uguwayn kutaalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo iskudubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.

ICAO Waa afar xaraf oo laga soo qaatay (International Civil Aviation Organization).

Dhamaan garoomada caalamka ayaa loo isticmaalaa.

ururku waxa uu qabtaa ama uu ku shaqaleeyahay isusocodka diyaaradaha aduunka ee iskaga gooshaya xuduudaha iyo ka hortagga wixii qalad ah iyo baaritaanka marka ay dhacdo dhibaato la xiriirta dulimaad.

Wakaalada Awooda Atomik Aduunka

Kani waa maqaal ku saabsan hayada awooda nukliyeerka QM. Qoraalo kale fiiri Hayadaha Qaramada Midoobay. Haku khaldin

"Boga "IAEA" halkan ayaa laga soo toosiyay.Wakaalada Awooda Atomik Aduunka (Af-Ingiriis: International Atomic Energy Agency, loo soo gaabiyo: (IAEA); Af-Carabi: الوكالة الدولية للطاقة الذرية) waa urur caalami ah oo ka shaqeeya isla markaana dhiirigeliya isticmaalka awood nukliyeer amaan ah oon cidna halisgelin kari, iyo in laga maarmo (tanaasulo) haysashada hub nukliyeer oo loo isticmaali karo awood ciidan (milatary power)

Ururkan IAEA waxaa la aasaasay 29 Luuliyo 1957, ayadoon cidina ka war qabin. Hadab inkastoo ururkan la aasaasay si madax banaan ka dib markii wadano dhowr ahi heshiiska saxeexeen, wuxuu maanta si toos ah u hoostagaa isla markaana warbixin siiyaa Golaha Sare Qaramada Midoobay iyo Golaha Amniga.

Guud ahaan ururka IAEA waxaa xaruntasare ku leeyahay magaalada Fiyeena ee wadanka Austriya. Sidoo kale wuxuu labo xafiis oo khaas ah ky leeyahay magaalada Toronto, Kanada, iyo Tokyo, Jabaan. Ururkani wuxuu kormeera isla markaana ilaaliyaa isticmaalka awood nukliyeer oo looga faa'iideysto si aan waxyeelo u lahayn dadka iyo deegaanka.

Xayawaan

Xayawaan (Af-Ingiriis: animal; Af-Carabi: حيوان) waa noole ka mid ah noocyada noolaha.

erayga "xayawaan" wuxuu ka yimid Af Carbeedka, dhiggiisa Af soomaaligana waa "bahal".

Bahalladu wey kala duwanyihiin. Qaarkood waxay ku noolyihiin dhulka dushiisa, qaarna waxay ku noolyihiin badaha iyo wabiyada. Jaad ka mid ah bahallada waxay awoodaan in ay ku noolaadaan bad iyo berriba, sida raxa (halkani bad waxaan ula jeednaa biyaha).

Waxaa kaloo jira bahallo ku nool jirka aadanaha dushiisa inkastoo aysan isha qabanin. Bahallahan badankood waxay ku noolyihiin unugyada dhintay ee maqaarka.

Sideedaba, Soomaalida bahal waxay u taqaanaa wax kaste oo aan Aadane ahayn, balse ogoow Aadanahu waa bahal, waxa kaliya oo ka duwa bahallada kale waa garaadka.

Marka la abla-ablaynayo bahallada, waxaase ugu horeyn loo kala qeybiyaa laba jaad: Beri-joog (Dhul-joog) iyo Bad-joog. Waxaa lagu qiyaasaa in noocyada xayawaanka intiisa badani ku nooshahay badaha iyo wabiyada dunidan.

Marka la sii kala saarayo qeybaha xayawaanka waxaa loo qeeybiyaa shan qeybood:

1- Naasley: waa dhamaan xayawaanka awooda u leh in eey dhalaan ilmo nool isla markaana jaqsiiyaan caanaha naaska. Jaadkan waxaa ka mid ah Aadanaha.

2- Xamaarato: waa xayawaanka ku socda bogga ama caloosha. Waxaa ka mid ah maska, jabisada IWM. Waxay dhalaan ukun mudo ka dib isku bedesha ilmo.

3- Shimbiro: waa qeeyb aad u tiro badan oo ka mid ah xayawaanka. Waa bahallo awood u leh inay dhex maraan hawada iyagoo isticmaalaya baalashooda. Waa xayawaan ku dhaqan dunida dacalladeeda isla markaana ukala qeybsamo jaadad farabadan. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah digaaga, haadka, goronyada, qambaarka, qooleeyda IWM.

4- Beri-Biyood: Beri-Biyood waxaa loo yaqaanaa xayawaanka nooc ka mid ah oo awood u leh inuu ku noolaado Beriga (oogada dhulka) iyo badaha ama biyaha dhexdooda. Waa xayawaan qaab sameeyskiisu taageerayo inuu ku dhex neefsado dhulka iyo biyaha hadba kii uu joogo. Bahalada noocan ahi aad uma tiro badna marka loo eego qeeybaha kale ee xayawaanka. Waxa ka mid ah Rah'a (frog), Yaxaaska (crocodile) IWM

5- Cayayaan: Cayayaanka waa qeyb ka mid ah xayawaanka oo aad uga yar-yar qeybaha kale. Sidoo kale waxaa la sheegaa inaanay dhiig lahayn dhamaan cayayaanku, midaasi oo ka dhigeysa qeyb aad uga duwan dhamaan xayawaanka intiisa badan ee ku dhaqan oogada dunida.

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.