Kaabaj

Kani waa bog ku saabsan kaabajka. Maqaalo kale fiiri Saladh
Kaabash
Cabbage and cross section on white
Kaabajka cad
Bah Brassica oleracea
Koox Jinsi Capitata Group
Asalka Yurub, qiyaastii 1000 C.H
Jinsi xubnaha
  • Kaabashka Cad
      (B. oleracea Carl Linnaeus var. capitata L. f. alba DC.)
  • Kaabashka Cas
      (B. oleracea L. var. capitata L. f. rubra (L.) Albert Thellung)
  • Kaabashka Iskujirka
      (B. oleracea L. var. sabauda L.)

Kaabaj, Kaabash (Af-Ingiriis: cabbage; Af-Carabi: ملفوف) magaca Saynis Brassica oleracea waa dhir caleen cagaaran mararka qaar casuus leh, sanadle ah (sanadkii hal mar dhasha midho), ka mid ah khudaarta caleenta duuban ee miisaanka leh. Midhaha kaabashku wuxuu sida badan u leeyahay miisaan 0.5 ilaa 4 kilogiraam (1 ilaa 9 lb), inta badan waa cagaar, casuus iyo cadaan, caleemo balaadhan oo duuban leh. Si la mid ah saladhka, khudaarta kaabashku waa mid leh caleemo badan oo isa saaran iyo isku dul duuban, kuwaasi oo iskugu xidhan hab cajiib ah.

Ilaa hada lama hayo taariikh cad oo ku saabsan meesha asal ahaan kaabashku ka soo jeedo, laakiin waxaa la ogyahay in 1,000 Ciise Hortii kaabashka lagu beeran jirey meelo ka mid ah qaarada Yurub. Xidhmada khudaarta kaabashku wuxuu ku baxaa wakhti ku dhow hal sano, goorta uu bislaado waa laga gooyaa, hadii la rabo in tafiir laga reebo qaar ayaa lagu dhaafaa carada si ay u baxaan sanadka xiga, kuwaasi oo yeesha iniinyo lagu beeri karo meelo kale.

Sida ay ku soo warantey Hay'ada Cuntada Aduunku, guud ahaan sanadkii 2011ka waxaa wadanada caalamku soo saareen ilaa 69 milyan mitir ton oo kaabash ah. Kalabadh tiradaasi waxay ka baxdey wadanka Shiinaha oo aad looga isticmaalo geedka.

Aesthetic Cabage
Students in Karatina Special School - Kenya
Au marché - chou
Bangkok Pak Khlong Talat P1100373
Big Cabbage
Cabbage - മൊട്ടക്കൂസ് 03
Cabbage 001
Cabbage (3741604131)
Annual catalogue of Jos. F. Dickmann's high-class garden, field and lfower seeds - seed, grain, implements and fertilizers of all kinds (1896) (18236645380)
Cabbage - മൊട്ടക്കൂസ് 02
Cabbage 171543-480x360 (4810843969)
Cabbage and Carrot Poriyal
Maraq

Kani waa maqaal ku saabsan maraqa. Haku khaldin suugada.

Halkan waxaa laga soo toosiyay boga "faxfax"Maraq (Af-Ingiriis: soup; Af-Carabi: حساء) sidoo kale loo yaqano Faxfax waa dareere ka mid ah cuntada dadka taasi oo ka samaysan biyo, khudaar, midho, hilib, xawaash iyo noocyo kale oo geedo ah.

Maraqu waa cunto la diyaariyo, waxa sida badan laga sameeyaa iskudarka biyo, khudaar (barandho, basal, tamaandho, kaabaj, toonta iwm), hilib (sida hilibka xoolaha, digaaga iyo kaluunka), xawaash iyo noocyo kale oo midho iyo khudaar ah. Maraqa waxaa lagu kariyaa dheri ama digsi si loo helo dhadhan fiican wuxuu qaataa xoogaa wakhti ah.

Sida caadiga ah, maraqa waxaa loo qeybiyaa labo nooc: maraq fudud iyo maraq culus. Maraqa fudud waa mid ka sameeysan biyo iyo xoogaa yar oo khudaar ah, isla markaana qaata wakhti aad u kooban. Halka maraqa culus ka sameeysan yahay hilib, khudaar badan iyo xawaash kala duwan.Maraqa kaligiis waa la cabi karaa, sidoo kale waxaa lagu darsadaa cuntada. Marar badan waxaa lagu cunaa rootida, canjeeroda, sabaayada iyo noocyada kale ee cuntada ah.

Dhirta la cuno
Khudaar
Cunto iyo Cabitan
La Xidhiidha

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.