Dowlad

Dowlad (Af-Ingiriis: state, government; Af-Carabi: دولة) waa koox dad ah oo isu tagay oo dhaqdhaqaaqooda ku samaynaya hal meel ama hal gobol juquraafi ahaan hal meel wada dagan ama wada wadaaga oo wada hoostaga hal xukun oo ka jira goobtaas ay kunoolyihiin oo leh kala sarayn iyo maamul sidaas ayay dawlad ku yihiin dawladu waxa ay samaysaa dhaqdhaqaaq, siyaas, dhaqale, iyo mid ijtimaaci ah taas oo loola jeedo hagaajinta horumarinta mujtamaca goobtaas wada dagan caalamkuna waxa uu u qaybsamaan koox dawlada ah oo meel wada dagan. in kasta oo ay kala duwanyihiin afkaartooda iyo nidaamada ka jiraa.

Hordhac

Nooc kasta oo maamul ah ama xukuumada waxa ay leedahay ra'iisul wasaare kaas oo ah kan ugu sareeya golaha fulinta. hadaba sidee bay ku yimaadaan golaha fulinta yaase soo doorta. marka gole wsaiiro lasamaynayo soomaaliya ahaan waxaa marka hore lamagacaaba ra'iisul wasaare ka dibna ra'iiska isagaa ayaa soo magacaaba golaha fulinta goalaha fulintu waa gole ka koobnaado habda sida uu kusoo magacaabo ra'iisul wasaaraha magcaabistana waxa uu wada tashiyo badan kala sameeyaa xubnaha ugu sarsareeya dawlada sida madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada qaar waxaana ugu dambeyn lagu dhawaaqaa golaha lasameeyey shaqooyin badan ayey qabtaan.

Sidoo kale fiiri

  • Maamul
  • Dowlad

Xigasho

  • "The Executive Branch". The White House. Retrieved 4 July 2015.
  • "Executive Branch of Government in Canada". Parliament of Canada. Retrieved 4 July 2015.
Aserbiijaan

Aserbiijaan marka lagu sheegayo luqada gudaha waa sidan (az: Azərbaycan) waa dowlad kamida ah lixda dawladood oo asal ahaan kasoojeeda wadanka turkiga kuna yaala inta u dhaxaysa yurub iyo aasiya

gaar ahaan wadankan waxa uu ku yaalaa mandaqada aadka u baaxda wayn ee qafqaas waxa uu dhanka bari xuduud kala leeyahay Bada Qaswiin dhanka waqooyina wadanka ruushka wadanka joorjiya dhanka waqooyi galbeed dhanka galbeed kana wadanka Armania dhanka koonfureedna wadanka iiraan waxa kale oo wadankani uu xuduud aad u yar la leeyahay wadanka turki

Azerbaijan: Azərbaycan [Azərbaycan [ɑːzæɾbɑjdɛʒɑn]), si rasmi ah Jamhuuriyadda Azerbeyl (Azerbaijan: Azərbaycan Cumhuriyeti [ɑːzæɾbɑjd͡ʒɑn ɾespublikɑsɯ]), waa wadan ku yaal Koonfurta Caucasus ee Eurasia ee iskutallaabta ee Bariga Yurub iyo Galbeedka Aasiya. [7] Waxaa xuduud u leh badda Caspian oo ku taal bariga, Ruushka waqooyiga, Georgia ee waqooyi-galbeed, Armenia ee galbeedka iyo Iran si koonfurta. Nakhchivan oo ku taala Armenia ayaa ku xiran waqooyiga iyo bari, Iran oo ah dhinaca koonfureed iyo galbeed, waxana uu ku yaal xudduudda 11km oo dheer leh Turkiga waqooyi galbeed.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Azerbaijan ayaa ku dhawaaqday xoriyadeeda sannadkii 1918, waxayna noqotay waddankii ugu horreeyay ee dimoqraadiga ah ee dunida Muslimka ah. Wadanku wuxuu ku biiray Midawga Soofiyeeti 1920kii oo ahaa Jamhuuriyadda Soofiyeeti ee Soofiyeeti. [8] [9] Jamhuuriyadda casriga ah ee Azerbaijan waxay ku dhawaaqday xoriyaddeedii 30kii Agoosto 1991, ka hor inta aan si rasmi ah loo tirtirin USSR bishii Disembar 1991-kii. Bishii Sebtembar 1991kii, badi Ermeni ah ee ka soo horjeeda gobolka Nagorno-Karabakh ayaa ka gaabsaday inay samaystaan ​​Jamhuuriyadda Artsakh. [11] Gobollada iyo toddoba degmo oo xaafad ka baxsan waxay u noqdeen kuwo madaxbannaan oo dhammaystirmay dhammaadkii dagaalkii Nagor-Karabakh 1994. Gobolladaasi waxaa loo aqoonsaday inay yihiin kuwo caalamku aqoonsan yahay oo qayb ka ah Azerbaijan, iyadoo xal waara xaaladda Nagorno-Karabakh, laga helo wadahadal ay fududeeyeen OSCE. [12] [14] [15]

Bulgaria

Bulgaria ( Af-Bulgari: България, waa wadan ku yaalo bariga koonfureed ee qaarada Yurub.

Bulgaariya: / bʌlɡɛəriə, bʊl- / (ku dhawaad ​​codka dhageysato); Bulgarian: Baalgariya, tr Bihlgariya), si rasmi ah Jamhuuriyadda Bulgaariya (Bulgarian: Repubblica Búlgariya, IPA: [rɛpublikɐ bɐɫɡarijɐ]), waa a waddanka koonfur bari ee Yurub. Waxaa xuduud u leh dalalka Romania, waqooyiga, Serbia iyo Macedonia, galbeedka, Giriigga iyo Turkiga ee koonfurta, iyo Badda Badda ee Bariga. Magaalada caasimada ah iyo magaalada ugu weyn waa Sofia; magaalooyinka kale ee waaweyn waa Plovdiv, Varna iyo Burgas. Iyada oo leh dhul-dhan 110,994 kilomitir oo isku-wareeg ah (42,855 sq mi), Bulgaariya waa waddanka 16aad ee Europe ugu weyn.

Ururada dhaqameed ee taariikhiga ah waxay bilaabeen inay ka soo baxaan dhulalka hadda jira ee Bulgaariya muddada Neolithic. Taariikhdeedii hore waxay arkeen joogitaanka Thracians, Giriigga Giriigga ah, Faaris, Celts, Rooma iyo kuwo kale. Soo ifbaxa mid ka mid ah dowlad-goboleed mideysan oo reer galbeedka ah ayaa taariikhda dib u bilaabaya aasaasida Boqortooyada Midowgii Boqortooyada ee 681-dii AD, taas oo ay ku badnayd Balkans oo ka shaqeynaysay xarun dhaqameed ee Slavs inta lagu guda jiro qarniyadii dhexe. Iyada oo hoos u dhacday Boqortooyada Badbaadada Badnaanta ee 1396, dhulalkeedii waxay ku hoos jirtay xukumadii Ottoman mudo shan sano ah. Dagaalkii Russo-Turkish ee 1877-78 waxay keeneen dhisitaanka Dowlad Goboleedka Bulgaariya. Sannadaha soo socda waxay arkeen colaado dhowr ah oo ay la galaan deriskooda, taasoo keentay in Bulgaria ay la jaanqaado Jarmalka labada dagaal. Sannadkii 1946-kii waxay noqotay mid ka mid ah xisbiyada siyaasiga ah ee qaybta ka ah ee ka soo jeeda Eastern Bloc ee Soviet-led. Bishii Disember 1989, Xisbiga talada haya ee Xisbiga ayaa u oggolaaday doorashooyin dhinacyo badan, kaas oo markii dambe u horseeday barashada Bulgaariya ee dimuqraaddiyadda iyo dhaqaalaha suuqa.

Bulshada Bulgaria oo ah 7.2 milyan oo qof ayaa inta badan ku badan magaalooyinka waxayna badanaaba ku badan yihiin xarumaha maamulka ee 28 gobol. Inta badan dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo dhaqanka waxay ku yaalaan caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn, Sofia. Qeybaha ugu xooggan dhaqaalaha waa warshad culus, injineernimada tamarta, iyo beeraha, kuwaas oo dhammaantood ku tiirsan ilaha dabiiciga ah ee deegaanka.

Bursaalax

BurSaalax (Af-Ingiriis: Bursalah) waa degmo ku taala bartamaha waqooyi galbeed ee gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Buntuland Soomaaliya. Waxaa tuulada Bursaalax ku dhaqan dad gaadhaya ilaa 30,000 oo qof hadii ay ugu bataan. Tuulada waxa ay dhisantay waqtigii Burcad Badeeda, oo laga dhisay guryo fiilo ah. Waxaana Wada daga beello Dhawr ah (Majeerteyn, Carab Maxmuud Saalax Iyo reer Kuulbeer) Majeerteyn ka wada daga waxa ay kala yahiin (Wadalmuge, Daanweyne, Cumar Maxamuud, iyo Wabeeneeye).

Burundi

}}

Burundi waa wadan ku yaalla bartamaha qaarada Afrika, caasimadiisu waa Bujumbura, waa dowlad dhexda ku jirta badna aan lahayn, waxay ka mid tahay wadamada ku yaal Gobolka harooyinka waaweyn, woqooyi waxaa ka xiga Ruwanda, koonfur iyo bari Tansaaniya galbeedna waxaa ka xiga Kongo Za'iir.

Burundi (/ bərʊndi, -rʌn- /), si rasmi ah Jamhuuriyadda Burundi (Kirundi): Burundi, oo ku yaal gobolka Woqooyiga Ameerika ee Bariga Afrika, waxay xuduud ka dhigtay Rwanda waqooyiga, Tansaaniya dhinaca bariga iyo koonfurta, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo galbeed ah. Waxaa sidoo kale loo tixgeliyaa qayb ka mid ah Bartamaha Afrika. Magaalada Burundi waa Bujumbura. Xuduudaha koonfur galbeed waxay ku dhow yihiin Lake Tanganyika.

Dadka reer Twa, Hutu iyo Tutsi waxay ku noolaayeen Burundi ugu yaraan 500 sano. Muddo ka badan 200 oo sano, Burundi waxay ahayd boqortooyo madaxbannaan, ilaa bilowgii qarnigii 20aad, markii Jarmalku gumaysteen gobolka. [14] Ka dib markii dagaalkii koowaad ee aduunka iyo guul darradii Jarmalka, waxay ka soo gashay dhulka Belgium. Labada Jarmal iyo Beljimka ayaa waxay Burundi iyo Rwanda ka dhigeen Gobollo-Urundi. Inkastoo ay jiraan khaldad caan ah, Burundi iyo Rwanda marnaba ma aheyn kuwo ku salaysan caadada ilaa wakhtiga gumeysiga Yurub.

Template:Politics of Burundi

Burundi is divided into eighteen provinces, each named after their respective capital with the exception of Bujumbura Rural. The newest province, Rumonge, was created on 26 March 2015 from five communes previously belonging to the provinces of Bujumbura Rural and Bururi.

Caasimad

Kani waa maqaal ku saabsan caasimadaha. Maqaalo la mid ah fiiri magaalo.

Haku khaldin "magaalo madax"

Caasimad (ingiriis: city; carabi: مدينة) waa deegaan aad u balaadhan oo dad iyo duunyo ku dhaqan yahay. Sidoo kale, marar badan ereyga caasimad wuxuu u taagan yahay magaalada saldhiga u ah dowlada wadankaasi ama maamulkaasi. In kastoo, qaarada Afrika caasimadu tahay kaliya magaalada ugu weyn deegaankaasi, wadanada reer galbeedka ahi caasimad waxay u yaqaanaan deegaan aad u baladhan, leh dowlad hoose, dhaqaale fiican, isla markaana ay ku dhaqan yihiin dad faro badan.

Cumaan

Cumaan waa wadan ku yaalo koonfurta bari ee jasiirad dhuleedka Bariga Dhexe.Cumaan waxee xuduud la leedahay wadamada Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Yemen.Wadankaan waxaa xukumo dowlad suldaaneed, ninka suldaanka ah ayaa doorto wasiirada maamulo dalka, run ahaantii asiga ayaa haayo xukumada wadanka dhan, shacabka cumaan neh aad ayee ula jiraan ama ee garab istaagsanyihiin suldaanka xukumada 30ka sano haayo.Wadanka tartiib tartiib oo u noqonooyaan wadan dimoqraadiyad ah, 1990kii suldaanka waxoo ku dhawaaqay in ee shacabka doortaan xildhibaano lataliye ah golaha (Majlis ash-Shura), doorashadaas neh dad aad u yar ayaa ka soo qeeb galay. 2003ii waxaa la hirgaliyay in da'da doorashada ee noqoto 21jir,dadkii da'daas qabay ama ka weynaa waxee doorteen 84kursi, waxeena dadkaas tiradooda ahaayeen ilaa 190,000 oo qof. Cumaan maanta waxaa ka shaqeeyo shirkado badan oo ajaanib oo wadamo badan ka kala yimaaday,shirkadahaas neh waxaa loogu tala galay in ee dadka cumaanka ah ee shaqo geeyaan. wadanka waxoo ku dadaalooyaa horumarinta bulshada, dhaqaalaha cumaan neh aad ayee u kordhoosaa.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

Dagaaladii sokeeyay ee Soomaaliya waa dagaalo aan dhamaad laheen, kaasi oo bilaamay 1991di. Dagaalkaan waxoo dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol la'aan oo 20sano gaartay.Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay. Maanta dagaalka waxoo u dhaxeeyaa, dowlad aad u liidata iyo arkagixiso rabto in ee dalka qabsato.Sidii ee qaramada midoobay iyo mareykanka ee uuga baxeen dalka soomaaliya 1993, soomaaliya codkeeda mala maqli jirin.Wixii ka danbeeyay 2000 dalka waxaa soo galay ciidamo shisheeye, sida kuwa itoobiyaanka iyo ciidamda amisom oo taageero u fidiyo Dawladda maanta jirta ee kumeel gaarka ah.

dagaalkii sokeeye ee soamliya waxa uu ahaa mid maslaxad kusalaysan

Runtii Dagaaladii sokeeyay ee soomaaliya waa dagaalo aan dhamaad laheen.waxuuna bilaamay 1991di.Dagaalkaan waxoo dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol la'aan oo 21sano

Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay. Maanta dagaalka waxoo u dhaxeeyaa, dowlad soamlia oo

Dagaaladii sokeeyay waxee dalka u horseeday nolol wanaag laheen iyo dowlad la'aan.Waxoona dalka u kala qeybsamay qeybo badan oo shacabka ee ku doonayaan maamul.Waxaa jirta qeyb soomaaliya ka mid ah oo dagaaladii sokeeyay ku bilaabay , oo maanta rabto in ee goosataan..Dagaaladii gobolada woqooyiga iyo gobolada dhexe.Markii la riday dowladii dhexe neh, dowlad cusub ma imaanin oo dagaalkii meeshiisa oo ka sii socday.Sanad iyo bar ka dib dalka waxaa ka dhacday abaar isla markaas neh waxaa imaaday heyaadaha gargaarka ee qaramada midoobay, waxaana la socday ciidamo dalal badan ka socda oo runtii rabay in ee dalka nabadeeyaan.laakiin waxaa lagu eedeeyay in ee shacabka dilaayaan, isla markaas neh weerar lagala horyimaaday.Ciidamada mareykanka oo ka mid ah kuwa gargaarka ee QM, ayaa bilaabay in ee diyaaradahooda la soo kacaan, waxoona dalka galay dagaal labaad oo nuuc kale ah.Maraykanka iyo qaramada midoobay waxee soomaaliya ka baxee ayada oo dagaal socdo, laakiin qaboowsaday.Markii ee ka baxeen ilaa 2000 soomaaliya codkeeda danbe mala maqli jirin.Sidii ee dowladii dhexe u dhacday ilaa la abaabulo Dawladdahaan federaaliga, soomaaliya ma leheen wax hogaan ah. Dadka wee iska ganacsan jireen.

Duqa magaalada

Duqa magaalada (Af-Ingiriis: Mayor; Af-Carabi: عمدة; loogu dhawaaqo: // ama /ər/, asal ahaan ka timid erey Latino maior [majˈjɔr], macnaheedu yahay "wax weyn") waa sarkaalka ugu sareeya xafiiska dowlada hoose ee magaalo, caasimad ama deegaan kale leeyahay.

Fulinta (Dawlad)

Awooda Fulinta (Af-Ingiriis: executive; Af-Carabi: سلطة تنفيذية) waxaa loo adeegsadaa qayb kamid ah dawladda ee ka masuulka ah siyaasadda si ku dhisan habka Baarlamaanka udhajiyey, waxayna ku dhisantahay qaabab kala duwan (Ra'iisul wasaare, Hogaamiye, ama Madaxweyne jamhuuriyadda) waxaana hoos yimaada madaxweynaha Wasiirada, Maamulka Siyaasadda ee joogtada ah iyo kuwa meertada ah sida Sida Booliska iyo militariga.

Golaha fulinta waa awood uu leeyahay wadan walba waxa ay golahu qabtaan adeegyada ay ubaahanyihiin bulsahadoda. Tusaale ahaan waxa ay ka doodayaan dhibaatada dhacda sida qaraxyada, dagaalada, iyo abaaraha waxa ay soo saarayaan war murtiyeeed ku saabsan waxa ay dawlada ama xukuumada ka go'aansatay dhibta dhacday. Marka aan ku hadleyno soomaaliya waxa ay leedahay golo fulineed oo ay dadka soomaalidu uyaqaanaan golaha xukuumada.

Gudida Sare Qoxootiga Qaramada Midoobay

Kani waa maqaal ku saabsan hayada qoxootiga QM. Qoraalo kale fiiri Hayadaha Qaramada Midoobay. Haku khaldin "UNHRC"

"Boga "UNHCR" halkan ayaa laga soo toosiyay.Gudida Sare Qoxootiga Aduunka ee Qaramada Midoobay (Af-Ingiriis: United Nations High Commissioner for Refugees, loo soo gaabiyo: (UNHCR); Af-Carabi: المفوضية العليا للأمم المتحدة لشؤون اللاجئين) sidoo kale loo yaqaano Wakaalada Qoxootiga QM, waa xubin ka tirsan wakaaladaha khaaska ee Ururka Qaramada Midoobay taasi oo shaqadeedu tahay ineey difaacdo iyo caawiso qoxootiga meel kasta ooy joogaan, ayadoo tixgelinaysa codsiga dowlad ama Qaramada Midoobay lafteeda. Hayadani waxay qoxootiga ka caawisaa dib u dejinta, taageerida nolosha barakacayaasha, badbaadinta dadka halista ku jira, dejinta qoxooti wadan kale iyo u raadinta magangelyo.

Hayada Qoxootiga Aduunka waxaa u saldhig ah magaalada Janiifa, wadanka Iswiserland waxayna xafiisyo muhiim ah ku leedahay dhamaan qaaradaha aduunka.

Sidoo kale hayadani waxay ka tirsan tahay Kooxda Horumarka Qaramada Midoobay. Wakhtiyadii 1954 iyo 1981 hayada UNHCR waxay tiraba labo jeer ku guuleysatey abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Jubbada Dhexe

Jubbada-Dhexe waa gobol ku yaala koonfurta Soomaaliya. Magaalo madaxda gobolkaan waa Bu'aale.Gobolkaan waxuu xuduud la leeyahay gobolada kala ah Gedo,Bay, Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Badweynta Hindiya oo kaga dhegan dhinaca bariga, sidoo kale gobolkaan wuxuu dhinaca galbeedka xad kala wadaagaa dalka Kenya, magaalada Bu’aale waa caasimadda gobolka j/dhexe isla matkaana ah caasimadda dowlad goboleedka Jubaland gobolkan wuxuu qani ku yahay xoolaha nool iyo beeraha, waana gobol leh dhul aad iyo aad ugu fiican beeraha iyo wax soo saarka.

Gobolkan waxaa dhaxmaro Wabiga Jubba oo biyo siiyo xoolaha ku nool iyo beeraha.== Jubada dhexe waxaa daga dad islaam ah oo soomali ah oo is jecel qabyaladna aan aqoon.

Bu'aale

Saakow

Jilib

Madaxweyne

Madaxweyne (Af-Carabi: رئيس; Af-Taliyaani: presidente; Af-Ingiriis: president) waa madaxa ugu sareeya ee dowlada wadan ama dal. Sida caadiga ah, madaxweynuhu waxa uu madax u yahay dhamaan xubnaha dowlada oo dhan. Waxaa mararka qaar dhacda in ra'iisul wasaaruhu ka awood sareeyo madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu waxaa inta ugu badan ku soo baxaa doorasho shacabka ama golle.

Dhinaca kale, ereyga "madaxweyne" waxaa sidoo kale isticmaala ururada madaxa banaan, shirkadaha ganacsiga iyo xisbiyada; kuwaasi oo macnaha ereygu u taagan yahay "qofka ugu sareeya ururkaasi ee go'aanka ugu dambeeya gaadhi kara".

Madaxweyneyaashii Soomaaliya

Madaxweyneyaashii soomaray dalka Soomaaliya.

Midowga Sofiyet

Midowgii Sofiyet (Af-Ruush: Союз Советских Социалистических Республик) ama markii la soo gaabiyo СССР (af-Ingiriiska neh USSR), wuxuu ahaa dowlad ku taalay bariga Yurub iyo Aasiya gaar ahaan wadanka hadda loo yaqaano Ruushka. Wadankaan wuxuu jiray 1922dii ilaa 1991dii. Sofiyet waxee ka koobneet wadamo aad u badan isla markaas neh waxee eheed wadanka aduunka ugu weyn oo jamhuuriyad ah, waxaana looga hadli jiray luqada af ruushka iyo 14 luqadood. Wadankaan madaxtooyadiisa waxee eheed Moskow.

Puntland

Puntland Af-Carabi:( أرض البنط) ama Majeerteenia, waa maamul ku yaalo woqooyi bari ee dalka Somaaliya, maamulkaan caasimadiisa waa Garoowe ee gobolka Nugaal. Puntland waxee xuduud la leedahay Maakhir iyo beesha Darwiish oo ka xigta Galbeedka iyo Gacanka Cadmeed oo ka xiga Woqooyiga, dhinaca Bariga neh waxaa ka xiga Marinka Gardafuul iyo Badda Soomaal. Dhinaca Koonfurta neh waxaa ka xigo Gobolada dhexe ee soomalia, Koonfur Galbeed neh waxaa ka xiga wadanka Itoobiya. Puntland waxaa degan 1 kiiba 3 shacabka somalia oo dhan, waxaa degan dad ka badan 4 miliyan oo qof. Magaca Puntland waxuu kayimi dhulkii uduga oo ay aqoonjireen ganacsato carbeed gaar ahaana masaarida oo gobolada waqooyi bari kadhoofsan jiray uduga sida kumanaan sano kahor, Itoobiya puntland ayuu dalkiisa ku xukumaa, itoobiyana puntland ayey heestaa.

Ra'iisul wasaare

Ra'iisul Wasaare (Af-Ingiriis: Prime Minister; Af-Carabi: رئيس الوزراء) waa madaxa xukuumadeed ee wadan, dowlad ama dal. Sida caadiga ah, ra'iisul wasaaruhu waxa uu madax u yahay wasiirada oo dhan. Waxaa mararka qaar lagu magacaaba waasiirka kowaad ee dowlad leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, ra'iisul wasaaruhu waxaa inta ugu badan soo magacaaba Madaxweynaha ama Boqorka wadankaasi. Sidoo kale wadamo badan oo caalamka ah "ra'iisul wasaaraha" waxaa si toos ah u doorta shacabka iyo bulshada wadankaasi.

Somaliland

Somaliland (Af-Carabi: أرض الصومال) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Soomaaliland, waa dowlad iyadu iskeed isku magacaawdey oo ku taala Geeska Afrika. Somaaliland waxay xad la leedahay Jabuuti, Itoobiya iyo maamul goboleedyada (guud ahaan) beesha Darwiish, Maakhir iyo Puntland. Somaliland waxey kamid aheyd dhulkii soomaalida ee Ingiriisku gumaysan jirey, uu Ismaaciil Mire iyo Daraawiishta kale ka soo horjeedeen. Waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday Soomaliya oo Talyaanigu guumeysan. magaalada wa Hargaysa. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland. Waxaa ku xigey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Aminkan lajoogo waxa madaxwayne u ah siilaanyo.Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed sida Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Soomaal

Soomaal (Af-Carabi: الصومال; Af-Ingiriis: Somalia) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Af-Ingiriis: Federal Republic of Somalia) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa Dowlad iyo wadan dhacda Geeska Afrika.. Waxaa ka xiga galbeedka Itoobiya iyo Djibouti, bariga marinka Gardafuul iyo badda Soomaal, koofuur na Kenya.

Waxaa dawlada Soomaaliya ka horeeyay dawladda Darwiish oo ciidanka oo hoogaamin jiray iyo waliba abaanduul guud ka ahaa Ismaaciil Mire. Juquraafi ahaan woqooyi galbeed waxaa ka xiga Jabuuti, iyo Kiinya Koofur galbeed, iyo Gacanka Cadmeed woqooyiga iyo Marinka Gardafuul bariga iyo Itoobiya galbeedka. Waxay leedahay xad badeedka ugu dheer qaaradda Afrika. Waxaa kala duwan qaabka dhulka kuwaas oo kala ah Buuro, Dul iyo Bannaan. Cimiladeeda oo ah lama degaan kulul dhamaan sanadka iyada oo ay jiraan xoogaa dabaylo xilliyeed iyo roobab aan joogto ahayn.

Soomaalka xilliyo hore waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii hore ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii hore, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi. Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay Bunti ee hore taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon "saaxuurac" ee ka midka ahaa boradii Masar casrigii Dawladdii hore, iyo boqortooyadii "Xatshabsuut" ee ka midka ahaa boqoradii qoyskii masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub. Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii msar. sidoo kale xilliyadii hore, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Malaw iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.

Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan xeebaha soomaaliya Baddacas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii hore ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida magaalooyinka Muqdisho, Berbera, Saylac Baraawe, Mareeg iyo Marka taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho "Magaaladii Islaamka" Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan. iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga sida Ajuraan taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca, Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo imaam Axmed gureey waa ciidankii ugu horeeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543, sidoo kale qoyskii Goonroon taasoo xukumi jirtay magaalada Laamu ee xiriirka la lahayd saldanada cumaan ee iyana hoos imaan jirtay Cusmaaniyiinta kaasoo ka qaadi jiray Jizyo suldaan axmed yuusuf, suldaankii afaraad ee Ajuuraan kaasoo xukumayay intii u dhexaysay 1848 ilaa 1878. Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen cidmadooda Baragiga Afrika Si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo usruusado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.

Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga Soomaalida. dawladii daraawiishta waxay iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay daraawiishta 1920 kadib adeegsigii Ingiriiska adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta "taleex" caasimadda ciidankii daraawiishta waxaana dhamaan la wareegay dhulkii daraawiishta ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana uwada suurta galin in uu wada qabsado qaybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Jaamacada Carabta sanadii 1974. sidoo kale Soomaaliya waxay xiriir fiican la samaysatay dadlalk afrika, waxay ka mid ahayd dawladihii aasaasay Midowga Afrika, waxay taageeri jirtay ANC ee Koonfur Afrika kana soo herjeeday nidaamkii Apartheid ee cunsuriga ahaa waxay kaloo taageertay Soomaaliya dagaalyanada Eratareya intii ay ku jirtay Eretariyiinta dagaalkii looga soo horjeeday Itoobiya. Iyadoo ka mid ah Dawladaha Islaamiga hadana Soomaaliya waxay ahayd aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka sidoo kale waxay xubin ka ahayd Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyadoo dhibaato kala kulantay Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo deganaasho la'an ku baahday gudaha, waxay ku guulaysatay abuurista Suuq xor ah kana sareeya inbadan ee nidaamayada dhaqaale ee Afrika kale sida ay sheegtay daraasad ay sameeysay qaramada midobay.

Soomaali Galbeed

Soomaali Galbeed ama dowlad deeggaanka Soomaalida Ethiopia DDSI, waa ismaamul goboleed oo ku hoos jiro dalka Itoobiya. Maamulkaan waxa uu leeyahay madax iyo ciidan u gooni ah waxuuna ku yaalaa Geeska Afrika. Ismaamulka Soomaali galbeed waxee daris latahay Soomaaliya oo ka xigto Woqooyiga,bariga, iyo Koonfurta. Koonfur galbeed na waxaa xigo dalka kenya, galbeedkana gobolada itoobiya.DDSI waxee ka mid tahay dhulka ay Soomaalidu leedahay ee gumaystihii reer yurub ku daray wadanka Itoobiya.

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.