Dhaqan

Dhaqan (Af-Ingiriis: culture; Af-Carabi: ثقافة)[1] waa nolosha, hadalka, luuqada, aqoonta, fanka, suugaanta, ciyaaraha, hido iyo dhaqanka iyo guud ahaan hab nololeedka bulsho leedahay kaasi oo noqon kara wax sawir guud oo dadka kale ka heeystaan bulshadaasi. Sidoo kale dhaqanku waa shay leh macne badan oo kala duwan oo isla xidhiidha . si kastaba ha ahaatee, kalmada "beer" waa ta badanaa la istticmaalo saddexda macnaha aasaasigaa:

  • Dhadhanka fiican ee fanka fiicans iyo baniaadanimo, sidoo kale waxa loo yaqaanaa dhaqan ka suuban
  • aqoonta bani aadamka ee isla xidhiidha, aaminsanida, iyo dhaqanka kaas oo ku xidhan hawl karnimada uu qofku ku fikiro iyo barashada bulshada
  • noocyada dabeecadaha la wadaago, qiimayaasha, hadafyada, iyo caadooyinka taas oo ay dhaqan u yihiin xeerarka, ururada, ama kooxuhu

marka fikradu marka hore la hagaajiyey qarnigii sideedaad- iyo qarnigii sagaalaad ee yurub, iyadu maaha hab loogu talo galay qodaalka ama horumar, as in beeraha or beer falid. qarnigii sagaal iyo tobnaad,waxa lagu tilmaamay xubnaha ama ama sinaanshaha ee qof walba ,gaaar ahaan dhinaca waxbarasho, ka dibna buuxinta qaranimodoonka.badhtamihii qarnigii saagaal iyo tobnaad,saynisyahanada qaar baa isticmaala kalmada "dhaqan" tsi ay u tibaaxaan awooda baniaadamka ee caalamigaa.ee jarmalka nonpositivist sociologist Georg Simmel, culture referred to "the cultivation of individuals through the agency of external forms which have been objectified in the course of history".[2]

Somwomgarbshash
Nag Soomaali -- garbasaar iyo shash.
Canjeelo
Somali lahoh.
Henna for hair
To apply it on the hair; Henna powder is mixed with water and then applied on the hair
Ethcofcerm
waa dhaqankii hore ee somaalida
LaasGeel
laasgeel waa meel ku caana aasaartii hore ee qadiimiaga ahayd kuna taala bariga magaalada hargeisa
Gobustan ancient Azerbaycan full
Petroglyphs maalin casriya Gobustan, Azerbaijan,dib u taariikhayn10 000 C.H taas oo tilmaamaysa dhaqanka suuban
Musicians and dancers on fresco at Tomb of Nebamun
faraaciinian fanka, 1 400 C.H
Hasht-Behesht Palace ney and Tar
The faarisin Hasht-Behesht Palace

References

  • "Adolf Bastian". Today in Science History. 27 Jan 2009 Today in Science History
  • "Adolf Bastian", Encyclopædia Britannica Online, 27 January 2009
  • Ankerl, Guy (2000) [2000]. Global communication without universal civilization, vol.1: Coexisting contemporary civilizations: Arabo-Muslim, Bharati, Chinese, and Western. INU societal research. Geneva: INU Press. ISBN 2-88155-004-5.
  • Arnold, Matthew. 1869. Culture and Anarchy. New York: Macmillan. Third edition, 1882, available online. Retrieved: 2006-06-28.
  • Bakhtin, M. M. (1981) The Dialogic Imagination: Four Essays. Ed. Michael Holquist. Trans. Caryl Press. ISBN 978-0-252-06445-6.
  • Barzilai, Gad. 2003. Communities and Law: Politics and Cultures of Legal Identities University of Michigan Press. ISBN 0-472-11315-1
  • Benedict, Ruth (1934). "Patterns of Culture". Boston: Houghton Miflin Company.
  • Bourdieu, Pierre. 1977. Outline of a Theory of Practice. Cambridge University Press. ISBN 978-0-521-29164-4
  • Cohen, Anthony P. 1985. The Symbolic Construction of Community. Routledge: New York,
  • Dawkins, R. 1982. The Extended Phenotype: The Long Reach of the Gene. Paperback ed., 1999. Oxford Paperbacks. ISBN 978-0-19-288051-2
  • Findley & Rothney. Twentieth-Century World (Houghton Mifflin, 1986)
  • Forsberg, A. Definitions of culture CCSF Cultural Geography course notes. Retrieved: 2006-06-29.
  • Geertz, Clifford. 1973. The Interpretation of Cultures: Selected Essays. New York. ISBN 978-0-465-09719-7.
  • — 1957. "Ritual and Social Change: A Javanese Example", American Anthropologist, Vol. 59, No. 1. Geertz
  • Goodall, J. 1986. The Chimpanzees of Gombe: Patterns of Behavior. Cambridge, MA: Belknap Press of Harvard University Press. ISBN 978-0-674-11649-8
  • Hoult, T. F., ed. 1969. Dictionary of Modern Sociology. Totowa, New Jersey, United States: Littlefield, Adams & Co.
  • Jary, D. and J. Jary. 1991. The HarperCollins Dictionary of Sociology. New York: HarperCollins. ISBN 0-06-271543-7
  • Keiser, R. Lincoln 1969. The Vice Lords: Warriors of the Streets. Holt, Rinehart, and Winston. ISBN 978-0-03-080361-1.
  • Kroeber, A. L. and C. Kluckhohn, 1952. Culture: A Critical Review of Concepts and Definitions. Cambridge, MA: Peabody Museum
  • Kim, Uichol (2001). "Culture, science and indigenous psychologies: An integrated analysis." In D. Matsumoto (Ed.), Handbook of culture and psychology. Oxford: Oxford University Press
  • McClenon, James. "Tylor, Edward B(urnett)". Encyclopedia of Religion and Society. Ed. William Swatos and Peter Kivisto. Walnut Creek: AltaMira, 1998. 528-29.
  • Middleton, R. 1990. Studying Popular Music. Philadelphia: Open University Press. ISBN 978-0-335-15275-9.
  • O'Neil, D. 2006. Cultural Anthropology Tutorials, Behavioral Sciences Department, Palomar College, San Marco, California. Retrieved: 2006-07-10.
  • Reagan, Ronald. "Final Radio Address to the Nation", January 14, 1989. Retrieved June 3, 2006.
  • Reese, W.L. 1980. Dictionary of Philosophy and Religion: Eastern and Western Thought. New Jersey U.S., Sussex, U.K: Humanities Press.
  • Tylor, E.B. 1974. Primitive culture: researches into the development of mythology, philosophy, religion, art, and custom. New York: Gordon Press. First published in 1871. ISBN 978-0-87968-091-6
  • UNESCO. 2002. Universal Declaration on Cultural Diversity, issued on International Mother Language Day, February 21, 2002. Retrieved: 2006-06-23.
  • White, L. 1949. The Science of Culture: A study of man and civilization. New York: Farrar, Straus and Giroux.
  • Wilson, Edward O. (1998). Consilience: The Unity of Knowledge. Vintage: New York. ISBN 978-0-679-76867-8.
  • Wolfram, Stephen. 2002 A New Kind of Science. Wolfram Media, Inc. ISBN 978-1-57955-008-0

External links

Template:Sisterlinks Template:Wikinewsportal

    Aasiya

    Aasiya (Eeshiya Af-Ingiriis: Asia; Af-Carabi: آسيا; /ə[unsupported input]ˈeɪʃə/) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka taasi oo gaadhsan 4.4 bilyan (labada wadan ee ugu dadka badan waa Hindiya iyo Shiinaha). Waxaa xusid mudan iyadna in qaarada Aasiya ay ka dhismeen boqortooyooyinka ugu horeeyay ee aadamuhu sameeyaan.

    Guud ahaan, qaarada Aasiya waxaa dhinaca bari ka xiga Badweynta Baasifik, koonfurta waxaa ka xigta Badweynta Hindiya, dhinaca waqooyi waxaa ka xiga Badweynta Arktik. Aasiya waxay dhinaca ku haysaa qaarada Yurub, halkaasi oonu jirin wax dabiici ah oo labada qaaradood kala sooca. Laakiin sida ku xusan sharciyada caalamiga ee xuduudaha qaarada Aasiya xadkeedu wuxuu ka bilaabmaa bariga Gacanka Suweys, webiga Yural, iyo Buuraha Yural.

    Af-Soomaali

    Af Soomaali (Af-Ingiriis: Somali Language; Af-Carabi: لغة صومالية) waa luuqad lagaga hadlo wadanada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Jabuuti, dhulka ay Itoobiya gumaysato iyo dhulka kiinya gumaysato meelo oo aduunka ka mid ah.

    Luuqada Af Soomaaligu waxay ka mid tahay luuqadaha kushiitiga loo yaqaan ee lagaga hadlo bariga iyo badhtamaha Afrika, iyo meelo ka mid ah qaarada Aasiya.

    Dhaqanka Soomaalida waa Mid hodan ah oo Cajiid ah, Dad weynha aduunkana la yaabeen. Dadka somalida isku dhaqan bey ahaayeen mudooyin quruuno ah, oo ay ku dhaqmayeen dhaqancaaki wanaagsan.

    Afrika

    Kani waa maqaal ku saabsan qaarada Afrika. Maqaalo kale eeg wadanada Afrika

    Boga "Africa" halkan ayaa laga soo toosiyay.

    Afrika (Af-Ingiriis: Afrika; Af-Carabi: أفريقيا) waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²) tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.1 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.

    Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyo; Bada Mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo Bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, Badweynta Hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed. Intaas waxaa dheer, wadanka jasiirada Madagaskar iyo gasiirado kale ayaa soo hoosgala qaarada. Sida rasmiga ah waxaa qaarada Afrika degan 54 wadan oo la aqoonsan yahay, sagaal deegaan iyo labo wadan oo wali la aqoonsan.Xaga bulshada, qaarada Afrika waxaa ku dhaqan dadka ugu da'da yar caalamka marka tirada guud laga hadlayo; 50% dadka Afrikaanka ahi waa da'da ka yar 19 sano.

    Juquraafi ahaan, wadanka Aljeeriya ayaa ugu wayn dhulka iyo baaxada, halka Nayjeeriya ugu dad badan tahay; waxaana guud ahaan caalamka la isku raacay in badhtamaha iyo Bariga Afrika yihiin meesha aadamuhu ka soo beermeer markii ugu horeeysay. Waxaa deegaanadan laga helay lafo aad u da' weyn oo muujinaya horaantii dadka. Tusaale ahaan, wadanka Itoobiya waxaa laga helay lafaha ugu da'da weyn inta la ogyahay midaasi oo jirta 200,000 kun sano.

    Guud ahaan qaarada Afrika waxaa dhex mara dhulbadhaha, waxayna leedahay noocyo badan oo cimilo kala gedisan ah. Waana qaarada keli ah ee laga helo astaamaha cimilada waqooyi ilaa koonfurta dhulka.

    Sidoo kale, qaarada Afrika waxaa loo qeybiyaa shan gobol kuwaasi oo ku salaysan juquraafiga deegaanka. Waxay kala yihiin: Bariga Afrika, Badhtamaha Afrika, Waqooyiga Afrika, Galbeedka Afrika iyo Koonfurta Afrika.

    Afrika dadka kunool dhamaan waa dadka madow marka laga reebo wadamada Waqooyiga Afrika oo ay ku nool yihiin dad Carab ahi iyo wadamada sida Koonfur Afrika iyo Simbaabwi iyo Nambiya oo laga helo dad tiro yar oo cadaan ay ka tageen gumeystihii reer Yurub.

    Ciraaq

    w:tr:Irak

    Ciraaq (Af-Carabi العراق ama jamhuuriyadda Ciraaq, Af-Carabi, جمهورية العراق . waa wadan ku yaalo Bariga Dhexe ama galbeedka Aasiya. Ciraaq waxee xuduud la leedahay, wadamada Urdun,Suuriya, Turki, Iiraan,Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya.

    Si uu qof walba uga qaato fikrad ama aragti sax ah, xaalada ka taagan meel ama wadan, waxa uu u baahan yahay inuu wax uun ka ogaado sooyaalka taariikheed ee meeshaas ama wadankaa.

    Saan la socono baryahaan Ciraaq ayaa noqotay meel ay aaladaha warbaahinta aduunka ama ruux walbaa oo dunida saaran uu hadal hayo xiisadda ka taagan Ciraaq.

    Sooyaalka taariikheed ee Ciraaq maaha mid hal ama laba qormo lagu soo koobi karo, sidaa darteed ayaan bal isku dayey inaan soo ururiyo war bixinno ama taariikho ku saabsan Ciraaq.

    Ciraaq waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Jaamacadda Carabta, OIC, dhaqdhaqaaqa aan tooska ahayn iyo IMF. Waa Jamhuuriyad Federaali ah oo ka kooban 19 gobol (gobollo) iyo hal gobo gobol (Ciraaq). Diinta rasmiga ah ee dalka waa Islaamka. Dhaqan ahaan, Ciraaq wuxuu leeyahay hanti aad u taajirsan, wuxuuna u dabaaldegayaa guulihii hore ee xilliyadii hore ee Islaamka, waxaana loo yaqaanaa gabayaaga. Sawir gacmeedka iyo sawirqaadayaashu waxay ka mid yihiin kuwa ugu wanaagsan caalamka Carabta, qaar ka mid ah waxay yihiin heer caalami ah iyo sidoo kale soo saarista farsamooyin qurux badan, oo ay ku jiraan roodhadhka iyo roogaga.

    Dad

    Dad (Af-Ingiriis: people; Af-Carabi: شعب) waa wadarta qof. Sidoo kale dad waa tiro badan oo shakhsiyaad ah kuwaasi oo noqon kara qabiil, bulsho, qoomiyad iyo wixii la mid ah.

    Dunida maanta waxaa ku nool dad ka badan 7 bilyan oo qof; kuwaasi oo ku kala nool qaaradaha dunida. Inkastoo bani aadam la isku yahay, hadana dadka dunida ku nool waxay leeyihiin midabo iyo qaabdhismeed xoogaa kala duwan taasi oo ku xidhan cimilada, deegaanka iyo nolosha shakhsigaas ama dadkaasi. Noocyada kala duwan ee dadka waxaa ka mid ah:

    Dadka Madoow - kuwaasi oo ku dhaqan ama asal ahaan ka soo jeeda qaarada Afrika, Ustareliya iyo qeybo ka mid ah qaarada Aasiya.

    Dadka Cad - intooda u badan ka soo jeeda qaarada Yurub, Waqooyiga Ameerika, Koonfur Ameerika, Ustareliya iyo meelo kale.

    Dadka Cowlan (yellow people) - asal ahaan ka soo jeeda qaarada Aasiya, Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika, waxaa ka mid ah "Hindida Cas", "Shiinaha" iyo wixii la mid ah.Arrimaha ugu weyn oo heysata dadka waa shaqo iyo waxbarashada. Dadka lumo marmar waxay uu jeestaan balwad.

    Dhaqan Soomaali

    Kani waa maqaal ku saabsan dhaqanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri dhaqan iyo Dhaqanka Soomaaliya.

    Dhaqanka Soomaalida (Af-Ingiriis: Culture of Somalia; Af-Carabi: ثقافة صومالية) waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

    Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

    Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xidhiidhka bulshada Soomaalidu la sameeysay bulshooyinka jaarka ah (deriska) iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fogfog. Sidoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.

    Dhisme Soomaali

    Dhismaha Soomaaliya (Af-Ingiriis: Somali architecture) waa nashqada, qurxinta, farshaxanka iyo guud ahaan habka dhismaha wax loo dhiso aqalada, tiirarka, minaarada, iyo dhismayaasha magaalooyinka, caasimadaha, tuulooyinka iyo dhamaan meelo badan oo wadanka Soomaaliya ka mid ah.

    Diin

    Diin waa rumaysad awood sare iyo hannaan akhlaaq, ku dhaqan, iyo qaddarin la xiriira rumaysadkaas.Adduunka maanta waxaa laga aaminsanyahay waxyaabo farabadan oo loogu yeedho "[diimo]" laakiin soo hoos gelayaan kuwa badan oo bulsho ama qof sheqsi ah la yimi sida sikh,Hindu,Bahay iwm. Dalka ugu tirakoobka yar xagga diinta waa Shiinaha.

    Fanka Soomaalida

    Kani waa maqaal ku saabsan fanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri fan, suugaan, hees.

    Fanka Soomaalida (Af-Ingiriis: Music of Somalia; Af-Carabi: موسيقى صومالية) waa nidaamka, abuurida, qurxinta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

    Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

    Inkasto sanadahan dambe la casriyeeyay, heesaha fanka Soomaalida inta ugu badan waxaa la isticmaala agab sahal ah, sida kabanka, gitaar, durbaanka, narsada, turunbada, sacabka iyo noocyo kale. Sida badan, heesaha fanka Soomaalidu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.

    Fanka Soomaalida waxaa diyaariya dad badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah abwaanka (qofka sameeya sheeko, gabay, hees iwm), laxanmiiste, fanaan, jilaa, atoore, muusigyahan iyo kuwo kale.

    Faransiiska

    Faransiiska (Af-Faransiis: La France; Af-Carabi: فرنسا) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Faransiiska (Af-Faransiis: République Française; Af-Carabi: الجمهورية الفرنسية) waa dalka mid ah dalalka kuyaala galbeedka qaarada Yurub. farnsiisku waxa uu kakoobanyahy dhul kal fog fog iyo jasiirado kuyaala goobo aad uga fog dhulwaynaha faransiiska waxa kale oo farnsiiska kamida halka looyaqaano Faransiis Guyana iyo jasiirado aad ubadan oo cidhifyada caalamka kuyaala dadka wadanka farnsiiska udhashay waxa wadankooda ay uguyeedhaan (Hexagone) oo macneheedu tahay Lix geesood. wadanka farnsiisku waxa uu xuduud la wadaagaa Wadamada

    Midowga boqortooyada Britan Beljim Luksemburg Jarmalka Iswisarland Talyaaniga Monako Andorra Isbania sida oo kale farnsiisku waxa uu xuduud la wadaaga wadamo kabaxsan qaarada Yurub sida, Barasiil Surinam Nederlaan Antiilis. Farnsiisku waa mid kamida Aasaasayaasha Midawga Yurub.waana wadanka ugu wayn midawga yurub. sidoo kale waxa uu farnsiisku kamid ahaa xubnihii aasaasy Qaramada Midoobay.waxa kale oo kamidyahay xubnaha rigliga ah ee Golaha Amaanka inta badan dadka farnsiiska ahi waxa ay haystaan diinta Masiixiyad waxa kunool sidoo kale dad gaadhaya ilaa shan milyan oo haysta diinta Islaamka

    Farshaxan Soomaali

    Kani waa maqaal ku saabsan farshaxanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri farshaxan.Farshaxanka Soomaalida (Af-Ingiriis: Somali Art; Af-Carabi: فن صومال) waa farshaxanka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay sawirgacmeedka, shaxda, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

    Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

    Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xidhiidhka bulshada Soomaalidu la sameeysay bulshooyinka jaarka ah (deriska) iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fogfog. Sidoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.

    Gobolada Isku Tegay ee Ameerika

    Mareykanka (Af-Ingiriis: United States of America, loo soo gaabiyo U.S.A; Gobolada Isku Tegay ee Ameerika; carabi: الولايات المتحدة) waa dawlad Federaal Dastuuri ah dhacdana bartamaha Waqooyiga Ameerika.

    Waxay ka koobantahay 49 gobol iyo Degmada Kolombia, (D.C. ama "District of Colombia"), oo ah magaalo-madaxda wadanka iyo xarunta dowlada wadanka. Waxaa ka xiga dhanka waqooyi Kanada, koofur Meksiko, iyo Gobolka Alaska oo dhaca Waqooyi Galbeed Qaarada Ameerika.

    Masaaxada (badka) wadanka Mareekanka waa 9.83 milyan km2, tirada dadkane waa 309 milyan Dawlada Mareykanka n xaga dhulka ama badka wadanka ku fadhiyo, waana dawlada seddexaad ee ugu dad badan aduunka, dad degen dalka mareykanka waxee gaarayaan ilaa 310 miliyan oo qof. Sidoo kale waa wadanka koowaad oo ay ku noolyihiin dad kala dhaqan iyo kala asal ah. Dhaqaalaha Mareykanka waa kan ugu balaaran dunida, ayadoo lagu qiyaasay sanadii 2008 aduun dhan 14.4 tiriliyan oo Dollarka Mareykanka wax soo saarka wadanka ee dabada loo iib geeyo.

    Wadanka Mareykanka wuxuu xonimadiisa ka helay gumeestihii Boqortooyadii Ingiriiska sanadka marka oo ahaa 1776ii, wakhtigaasi oo Mareykanku ka koobnaa 13gabol oo ku yaalay dhinaca bariga ee dalkaas. Wadanka waxoo balaaraday bilaawgii 1800meeyadii, waxoona gobolo ka qabsaday wadamada Faransiiska, Isbaanishka, Ingriiska, Maksiko iyo Ruushka, waxoona ku sii darsaday labada gobol oo markaas ahaa jamhuuriyado, Teksas iyo jasiirada Hawaay. Khilaafkii ka dhashtay Gobolada Koonfurta iyo woqooyiga oo markaas ku murmaayay xukunka gobolada iyo dhinaca adoomada waxoo sababay dagaalkii sokeeyay oo dhacay sanadka marka oo ahaa 1860meeyadii. Gobolada woqooyiga ayaa ku guuleestay in ee wadanka mideeyaan isla markaaas neh oo joogsaday adoonsiga. Dagaalkii mareykanka iyo spania iyo dagaalkii aduunka kii labaad, militariga mareykanka waxaa lagu gartay in oo yahay kan ugu awooda badan aduunka.dhamaadkii Dagaalkii aduunka kii 2aadm, waxoo wadanka mareykanka ahaa wadanka kaliya oo watay bombada halista ah ee looyaqaan atombomb.Marka ee dhacday xukunkii soviet union 1991kii , wadanka mareykanka waxoo ku soo baxay wadanka kaliya oo ugu awooda ween aduunka.

    Ingiriiska

    Ingiriiska (Af-Ingiriis: England; Af-Carabi: إنجلترا) waa gobolka ugu wayn Midowga boqortooyada Britan

    Waxey xuduud la leedahay iskotland oo ay xaga waqooyi xuduud ka wadaagan, dhanka galbeedna waxa ay xuduud ka wadaagaan wels iyo bada Ireland goobta hada loo yaqaano ingiriisku waxa uu ka koobmay dhaqamo iyo qoomido badn waxana uu taariikh soo jireena leeyahay ilaa 35.000 oo sano laakiin marka la eego magaca ingiriis asal ahaan waxa uu kayimi mid kamida qabiiladihii dagay halkaas ee katagay wadamada waqooyiga yurub somali ahaana magacan marka lagu dhawaaqayo waxa uu noqon karaa (ingiriiska) ee maaha in la odhan karo ingiriis waayo taasi waxa ay sheegaysaa luqada ingiriisku waxa uu dawlad midaysan noqday sanadii 927 taariikhda miilaadiga xiligii horu marka iyo warshada oo bilaabmay qarnigii 15aad waxa uu ingiriisku caalamka ku yeeshy raad dhaqan iyo mid cilmi iyo mid shaqo oo aad u wayn luqada ingiriisaga sharciga ingiriiska oo ah mid maanta meelakasta laga isticmaalo waxa ay ka imaadeen wadanka ingiriiska daka kunool ingiriiska tiradoodu waa ilaa 51 milyon waa 84% dadka kunool boqortooyada midawday ama uk dawladan ingiriisku waxa ay lamidawday dhamaan boqortooyooyinka kale ee uk sanadii 1800 o ay la bexeen magaca Great Britain

    Saynis

    Saynis (Af-Carabi: العلوم; Af-Taliyaani: Scienza; Af-Ingiriis: Science) waa wax kasta ee ku saabsan aqoon iyo dhaqan gelin

    Saynis ku dhisan qeexitaan iyo ulajeeddo sida fiisikis

    Mid ku dhisan khibarad ee laga qaatay dabiicadda

    Shaleemada Soomaaliya

    Kani waa maqaal ku saabsan Shaleemada Soomaalida. Qoraalo kale fiiri filim, sheeko, suugaan, hees.

    Shaleemo Soomaalida (Af-Ingiriis: Cinema of Somalia) waa shabakada soo bandhiga filimaanta, heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Shaleemo Soomaaligu waa waax ka mid ah Fanka Soomaalida.

    Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

    Inkasto sanadahan dambe la casriyeeyay, heesaha fanka Soomaalida inta ugu badan waxaa la isticmaala agab sahal ah, sida kabanka, gitaar, durbaanka, narsada, turunbada, sacabka iyo noocyo kale. Sida badan, heesaha fanka Soomaalidu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.

    Fanka Soomaalida waxaa diyaariya dad badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah abwaanka (qofka sameeya sheeko, gabay, hees iwm), laxanmiiste, fanaan, jilaa, atoore, muusigyahan iyo kuwo kale.

    Soomaal

    Soomaal (Af-Carabi: الصومال; Af-Ingiriis: Somalia) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Af-Ingiriis: Federal Republic of Somalia) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa Dowlad iyo wadan dhacda Geeska Afrika.. Waxaa ka xiga galbeedka Itoobiya iyo Djibouti, bariga marinka Gardafuul iyo badda Soomaal, koofuur na Kenya.

    Waxaa dawlada Soomaaliya ka horeeyay dawladda Darwiish oo ciidanka oo hoogaamin jiray iyo waliba abaanduul guud ka ahaa Ismaaciil Mire. Juquraafi ahaan woqooyi galbeed waxaa ka xiga Jabuuti, iyo Kiinya Koofur galbeed, iyo Gacanka Cadmeed woqooyiga iyo Marinka Gardafuul bariga iyo Itoobiya galbeedka. Waxay leedahay xad badeedka ugu dheer qaaradda Afrika. Waxaa kala duwan qaabka dhulka kuwaas oo kala ah Buuro, Dul iyo Bannaan. Cimiladeeda oo ah lama degaan kulul dhamaan sanadka iyada oo ay jiraan xoogaa dabaylo xilliyeed iyo roobab aan joogto ahayn.

    Soomaalka xilliyo hore waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii hore ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii hore, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi. Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay Bunti ee hore taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon "saaxuurac" ee ka midka ahaa boradii Masar casrigii Dawladdii hore, iyo boqortooyadii "Xatshabsuut" ee ka midka ahaa boqoradii qoyskii masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub. Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii msar. sidoo kale xilliyadii hore, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Malaw iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.

    Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan xeebaha soomaaliya Baddacas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii hore ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida magaalooyinka Muqdisho, Berbera, Saylac Baraawe, Mareeg iyo Marka taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho "Magaaladii Islaamka" Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan. iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga sida Ajuraan taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca, Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo imaam Axmed gureey waa ciidankii ugu horeeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543, sidoo kale qoyskii Goonroon taasoo xukumi jirtay magaalada Laamu ee xiriirka la lahayd saldanada cumaan ee iyana hoos imaan jirtay Cusmaaniyiinta kaasoo ka qaadi jiray Jizyo suldaan axmed yuusuf, suldaankii afaraad ee Ajuuraan kaasoo xukumayay intii u dhexaysay 1848 ilaa 1878. Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen cidmadooda Baragiga Afrika Si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo usruusado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.

    Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga Soomaalida. dawladii daraawiishta waxay iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay daraawiishta 1920 kadib adeegsigii Ingiriiska adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta "taleex" caasimadda ciidankii daraawiishta waxaana dhamaan la wareegay dhulkii daraawiishta ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana uwada suurta galin in uu wada qabsado qaybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Jaamacada Carabta sanadii 1974. sidoo kale Soomaaliya waxay xiriir fiican la samaysatay dadlalk afrika, waxay ka mid ahayd dawladihii aasaasay Midowga Afrika, waxay taageeri jirtay ANC ee Koonfur Afrika kana soo herjeeday nidaamkii Apartheid ee cunsuriga ahaa waxay kaloo taageertay Soomaaliya dagaalyanada Eratareya intii ay ku jirtay Eretariyiinta dagaalkii looga soo horjeeday Itoobiya. Iyadoo ka mid ah Dawladaha Islaamiga hadana Soomaaliya waxay ahayd aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka sidoo kale waxay xubin ka ahayd Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyadoo dhibaato kala kulantay Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo deganaasho la'an ku baahday gudaha, waxay ku guulaysatay abuurista Suuq xor ah kana sareeya inbadan ee nidaamayada dhaqaale ee Afrika kale sida ay sheegtay daraasad ay sameeysay qaramada midobay.

    Soomaali

    Soomaali waxay noqon kartaa:

    Dhamaan wixii la xidhiidha wadanka Soomaaliya

    Soomaalida, dadka u dhashay ama asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Soomaaliya

    Af-Soomaali, luuqad ka mid ah Kushitiga

    Cunto Soomaali, cunto dhaqanka dadka Soomaalida

    Dhaqan Soomaali, dhaqanka iyo sooyaalka bulshada

    Bisad Soomaali, nooc ka mid ah bisadaha

    Soomaali Galbeed, gobol ka tirsan wadanka Itoobiya

    Suugaanta Soomaalida

    Suugaanta Soomaalida (Af-Ingiriis: Somali literature) waa qeyb ka mid ah dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan fanka iyo suugaanta u khaaska ah dadka Soomaalida ah meel kasta oo dunida kaga dhaqan yihiin. Suugaanta Soomaalida waxaa loo kala saaraa noocyo badan; kuwaasi waxaa ka mid ah gabayga, geeraarka, heesaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo noocyo badan oo kale.

    Warbaahinta Soomaaliya

    Warbaahinta Soomaaliya (Af-Ingiriis: Media of Somalia) waa dhamaan aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo war-isgaadhsiinta wadanka Soomaaliya; kuwaasi waxaa ka mid ah idaacadaha raadiyowga, telefishanka, warbaahinta internetka iyo dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta ka hoowlgasha wadanka Soomaaliya.

    Sida lagu sheegay buugaag badan oo taariikhi ah, dadka Soomaalida ahi waxay tan iyo wakhtiyo hore ahaayeen kuwo ku safra badaha waaweyn ee caalamka, ayagoo u socdaalaya sababo kala duwan, sida ganacsi, aqoonraadis, dalxiis, iyo kuwo kale.

    Xayawaan

    Xayawaan (Af-Ingiriis: animal; Af-Carabi: حيوان) waa noole ka mid ah noocyada noolaha.

    erayga "xayawaan" wuxuu ka yimid Af Carbeedka, dhiggiisa Af soomaaligana waa "bahal".

    Bahalladu wey kala duwanyihiin. Qaarkood waxay ku noolyihiin dhulka dushiisa, qaarna waxay ku noolyihiin badaha iyo wabiyada. Jaad ka mid ah bahallada waxay awoodaan in ay ku noolaadaan bad iyo berriba, sida raxa (halkani bad waxaan ula jeednaa biyaha).

    Waxaa kaloo jira bahallo ku nool jirka aadanaha dushiisa inkastoo aysan isha qabanin. Bahallahan badankood waxay ku noolyihiin unugyada dhintay ee maqaarka.

    Sideedaba, Soomaalida bahal waxay u taqaanaa wax kaste oo aan Aadane ahayn, balse ogoow Aadanahu waa bahal, waxa kaliya oo ka duwa bahallada kale waa garaadka.

    Marka la abla-ablaynayo bahallada, waxaase ugu horeyn loo kala qeybiyaa laba jaad: Beri-joog (Dhul-joog) iyo Bad-joog. Waxaa lagu qiyaasaa in noocyada xayawaanka intiisa badani ku nooshahay badaha iyo wabiyada dunidan.

    Marka la sii kala saarayo qeybaha xayawaanka waxaa loo qeeybiyaa shan qeybood:

    1- Naasley: waa dhamaan xayawaanka awooda u leh in eey dhalaan ilmo nool isla markaana jaqsiiyaan caanaha naaska. Jaadkan waxaa ka mid ah Aadanaha.

    2- Xamaarato: waa xayawaanka ku socda bogga ama caloosha. Waxaa ka mid ah maska, jabisada IWM. Waxay dhalaan ukun mudo ka dib isku bedesha ilmo.

    3- Shimbiro: waa qeeyb aad u tiro badan oo ka mid ah xayawaanka. Waa bahallo awood u leh inay dhex maraan hawada iyagoo isticmaalaya baalashooda. Waa xayawaan ku dhaqan dunida dacalladeeda isla markaana ukala qeybsamo jaadad farabadan. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah digaaga, haadka, goronyada, qambaarka, qooleeyda IWM.

    4- Beri-Biyood: Beri-Biyood waxaa loo yaqaanaa xayawaanka nooc ka mid ah oo awood u leh inuu ku noolaado Beriga (oogada dhulka) iyo badaha ama biyaha dhexdooda. Waa xayawaan qaab sameeyskiisu taageerayo inuu ku dhex neefsado dhulka iyo biyaha hadba kii uu joogo. Bahalada noocan ahi aad uma tiro badna marka loo eego qeeybaha kale ee xayawaanka. Waxa ka mid ah Rah'a (frog), Yaxaaska (crocodile) IWM

    5- Cayayaan: Cayayaanka waa qeyb ka mid ah xayawaanka oo aad uga yar-yar qeybaha kale. Sidoo kale waxaa la sheegaa inaanay dhiig lahayn dhamaan cayayaanku, midaasi oo ka dhigeysa qeyb aad uga duwan dhamaan xayawaanka intiisa badan ee ku dhaqan oogada dunida.

    Luqadaha kale

    This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
    Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
    Images, videos and audio are available under their respective licenses.