Barasiil


w:es:República Federativa do Brasil Dalka brazil oo loogu dhawaaqo Federal Republic of Brazil waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka ,koofurta amerika iyo dhammaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka brazil waxaa dhinaca bari ka marta badda ATLANTIC OCEAN, oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491km.

Wuxuuna xuduud kala leeyahay dhinaca waqooyi dalka Venezuela,Guyana, suriname iyo french guiana. Dhinaca waqooyi galbeedna waxaa dalka brazil xuduud uu kala leeyahay daka COLONBIA. Galbeedna waxaa kaga beegan BOLIVIA iyo PERU. Sidoo kale dhinaca koofur barina waxuu xuduud kala wadaagaa dalalka ARGENTINA, iyo PARAGUAY, halka waqooyi uu ka xiga dalka URUGUAY. Waxaa la odhan karaa dalka brazil dhammaan xuduud ayuu la leeyahay wadamada waqooyiga marka laga tago ECUADOR iyo CHILE.

Supremo Brasil
Supreme Federal Court of Brazil serves primarily as the Constitutional Court of the country

Tirada dadka reer Brazil waa 190 milyan 83.7 waa dad degan magaalo. 2008 heerka wax aqris iyo qoris la’aanta waxey aheyd 11.48% waxeyna u badnaayeen dhalinyaro dadoodu u dhaxeysay ( 15-19 )

Proclamação da República by Benedito Calixto 1893
Proclamation of the Republic, 1893, oil on canvas by Benedito Calixto.

Dhaqaalaha wadanka Brazil waa wadanka todobaad waxaana door libaax leh ka ciyaaray in dhaqaalaha uu kobco ( Brazil’s national development bank (BNDES) ) ,xagga wax iibsiga waa wadanka todobaad Marka laga hadlayo wax soo soorka KAFEEGA waa wadanka ugu weyn ee soo saara Kafeega 150kii sano ee u danbeeyay. Waxey kaloo kordhiyeen joogitaanka suuqyada maaliyadeed iyo badeecooyin waxeyna nasiib u heleen in ay Brazil ay noqoto suuqa afaraad ee ugu weyn baabuurta caalamka.

Brasil - Periòde coloniau vèrs 1790
Colonizacion de Brasil vèrs 1790.
Brasil - Colonizacion vèrs 1690
Colonizacion de Brazil vèrs 1690.
Ulyssesguimaraesconstituicao
Ulysses Guimarães holding the Constitution of 1988 in his hands.

Sidoo kale waa dal dhoofiya Diyaaradaha,korontada,gawaadhida,dharka.kabaha,birta,cabitaanka

Roda de capoeira1
Brasilièrs practicant la capoeira.

iyo Liinta. Dalka Brazil ayaa wax dhoofinta caalamka kaga jira darajada 23aad.

Dalka Brazil waa wadanka 2aad dhinaca garoonka diyaaradaha waxaa ka horeeya mareykanka kaliya .

Wuxuu leeyahay Garoono waaweyn oo aad u mashquul badan ku dhawaad 20 milyan oo rakaab ah ayaa sanad walba isticmaala garoonada Brazil.

Dhinaca diinta dadka heysta diinta CATHOLICS dalka Brazil waa 123 million celecelis ahaana waa 64% .waa dadka ugu badan ee heysta diinta catholics hoos ka eeg heerka dadka heysta diimaha dalka Brazil.

Religion Percent
Roman Catholicism 64.6%
Protestantism 22.2%
No religion 8.0%
Spiritism 2.0%
Others 3.2%

Ciidanka Brazil waa ciidanka ugu balaadhan laatiin Amerika waxeyna ka kooban yihiin :Brazilian Army,Brazilian Navy iyo Brazilian Air Force waxeyna guud ahaan yihiin 317,199 oo ah kuwa shaqeeya . Ku darso oo waxey kaloo leeyihiin ciidan loogu yeedho Military police iyo ciidan kale oo loo yaqaan green water

Magaca Brazil wuxuu asal ahaan ka yimid ama ka soo jedaa nuuc ka mid ah geedaha ka bixi jiray Xeebaha wadankaasi waxaana loo yaqaan brazilwood. Dadka boortaqiiska waxey odhan jireen pau-brasil.

Dalka Brazil waxa uu ka kooban yahay 26 gobal iyagoo isugu yimaada Federaal, dhammaan gobalada waxey isugu jiraan gobolo isbaheystay si juquraafi ah. Nidaamka caafimaadka dadweynaha Brazil ayaa loo yaqaan Nidaamka caafimaadka qaranka, waxaa maamula oo bixiya dhammaan dowlada waana wax ay u siman yihiin dadweynaha muwaadiniinta ah si lacag la’aan ah. Walow ay jiraan meelo kale oo si gaar ah loo leeyahay. Dhinaca musuqa ee xeebaha brazil waxaa lagu sheegaa 41 bilyan oo dollar sanadkii waana 69.9% waxeyna wadamada musuqa caalamka kaga jirtaa kaalinta 69aad.

CAAFIMAADKA

Sida laga soo xigtay dowlada Brazil waxaa jira dhibaatooyin caafimaada oo ay ugu daran yihiin:

  • Dhimashada caruurta dalka Brazil waxey gaadhaa 2.51% ilaa 3.77% meelaha ugu badana waa gobalada ku yaala waqooyi bari.
  • Dhimashada hooyada uurka leh waa 73.1% marka 100 kun oo caruur ahba dhashaan
  • Dhimashada xanuunada leys qaadsiiyo ayaa ah 151.7 dhimasho 100.000 waxaana sababa xanuuno ku dhaca wadnaha,cudurada wareega dhiigga,oo ay wehliso kuwa keena kansarka, iyo kuwa kale oo ku dhinta sababo ka baxsan kuwa aan soo sheegay sida ( shilalka gaadiidka,rabshadaha,iyo is miidaaminta )
  • Sanadkii 2002 Brazil waxey xisaabisay in 40% xaalado cudarka duumada Amerika in ay ku haybsatay,ku dhawaad 99% in ay yihiin gobalka LEGAL AMAZON.

DHINACA SAXAAFADA

Dalka Brazil wargeyskii ugu horeeyay waxaa la aasaasay sanadkii 1808dii waxaana laga aasaasay magaalo madaxda wadanka ee RIO DE JANERIO magacii ugu horeeyay uu yeesho wargeyskaa ayaa ahaa THE GAZETA isagoo nuqulkii u horeeyay uu soo baxay bishii september 1808 dii .Dhinaca idaacadda waxaa markii u horeysay dalka Brazil laga hirgeliyay 7dii bishii sebtember sanadkii 1922kii. Waxaana ku xigay sanadkii 1923kii oo la furay idaacadii 2aad oo la odhan jiray radio Society of Riode Janeiro.

Dhinaca Talefeshinka waxaa ugu horeeyay si rasmi ah 18kii september sanadkii 1950 waxaana la odhan jiray TV TUPI. Dalka brazil waa dal ka mid ah kuwa aadka loo booqdo marka laga hadlayo dalxiisyaal sadax sano ka hor dadka booqday waxey gaadhayeen 5 milyan oo booqdayaal waxeyna dadkaasi badankood ka yimaadaan Koofurta ameica lacagta sanadkaa ay ka heleen waxey dhameyd 6 bilion oo doolar .

Luqadda rasmiga ah ee looga hadlo Brazil waa waa bortaqiis.waana wadanka kaliya ee ku hadla qaarada America , xitaa dhaqanka waa dhaqanka boortaqiiska sababtoo ah xidhiidh xoog leh iyo gumeysigii boortaqiiska ayaa sameyn ku yeeshay.

Xagga wax beerashada dalka Barazil dhul ahaan wuxuu beertaa 65,338,000 hektar lacagta ka soo baxda ayaa lagu qiyaasaa sanad kasta 148 billion oo doolar

CIYAARAHA

Dalka Brazil ciyaarta ugu caansan waa ciyaarta kubbadda cagta, wuxuu koob adduun ku guleystay shan jeer .markii ugu horeysay ee ay koob aduun ku guuleystaan teemkii ka socday Barzil waxey aheyd 1958, waxaa ku xigay 1962, waxaa ku xigay 1970, waxaa ku xigay 1994, waxaana ugu danbeeyay 2002 . sidoo kale mar ayey marti geliyeen koob aduun waana sanadkii 1950kii , waxeyna mar kale martigelin doonaan isla sanadkan 2014. dalkaasi brazil ciyaartoy caalamka caan ka noqotay ayaa ka soo baxday sida ninka Loo boqray ee dhaamanka madow Boqorka Kubadda cagta PELE, sidoo kale waxaa ka soo baxayGarrincha,Ronaldo,Roberto carlos,Romario, Ronaldinho,Kaka iyo Neymar.

Brazil waa wadan aad u dhaqda lo’da una iibgeeya suuqyada caalamiga ah sanadkii 2005 waxaa la diiwaan geliyay 28 milyan oo neef oo lo ah in la qalay, halka guud ahaana lagu sheegay sanadkasi in 87 milyan oo neef ay haatan diyaar yihiin. Taasi oo ku tuseysa in Brazil ay lo badani joogto , sidoo kale waxaa ku yaala keymo waaweyn. kala badh dalka Brazil waxaa daboola keymo loo yaqaan Amazon ,qaybaha korinta xoolaha iyo beerista Sisinta, qasabka sonkorta, bariiska, tubaakada iyo dhuxusha dhammaan wey beertaan reer Brazil.

Dhinaca caruurta la adoonsado dalka Brazil waa meelha caalamka uu weli uu aad uga jiro , waana wadanka sedexaad ee caruurta la adoonsado waxaa ka horeeya oo kaliya Hindiya, iyo Bangaladesh

Brazil 92% baabuurta taal waa cuseyb

SICIID XAGAA AFRAX

JOURNALIST

SOURCE: WEKIPEDIA.

Federative Republic of Brazil
República Federativa do Brasil  (Af-Boortaqiis)
Flag of Brazil Coat of arms of Brazil
Hal ku dheg: 
  • Ordem e Progresso  (Boortaqiis)
  • (Af-Ingiriis: "Order and Progress")
Heesta qaranka: 
  • "Hino Nacional Brasileiro"
  • (Af-Ingiriis: "Brazilian National Anthem")


  • Flag anthem:
  • "Hino à Bandeira Nacional"[1]
  • (Af-Ingiriis: "National Flag Anthem")

National seal
  • Selo Nacional do Brasil
  • National Seal of Brazil
  • National Seal of Brazil (color).svg
BRA orthographic
Halka ay dhaco  Barasiil (dark green)

South America (grey)

Magaalo madaxBrasília
Magaalada uguwayn São Paulo
23°33′S 46°38′W / 23.550°S 46.633°W
Official language
and national language
Portuguese[2]
Qaybaha qoomiyedaha (2010)
  • 47.73% White
  • 43.13% Pardo
  • 7.61% Black
  • 1.09% Asian
  • 0.43% Amerindian
Dadka Brazilian
Xukunka Federal presidential constitutional republic
 -  President Michel Temer
 -  Vice President Vacant[3]
 -  President of theChamber of Deputies Rodrigo Maia
 -  President of the Federal Senate Eunício Oliveira
 -  President of the Supreme Federal Court Cármen Lúcia
Sharci dejinta National Congress
 -  Aqalka sare Federal Senate
 -  Aqalka hoose Chamber of Deputies
Independence from the United Kingdom of Portugal, Brazil and the Algarves
 -  Declared 7 September 1822 
 -  Recognized 29 August 1825 
 -  Republic 15 November 1889 
 -  Treaty of Petrópolis 11 November 1903 
 -  Current constitution 5 October 1988 
Baaxad
 -  Total 8,515,767 km2 (5th)
3,287,597 sq mi 
 -  Biyo (%) 0.65
Tirada dadka
 -  2018 qiyaasta 209,129,000[4] (6th)
 -  Mugga Dadka 25/km2 (199th)
63/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2018 qiyaastii
 -  Guud ahaan $3.389 trillion[5] (8th)
 -  Qof qof $16,199[5] (81th)
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2018 estimate
 -  Guud ahaan $2.139 trillion[5] (9th)
 -  Calaa qof $10,224[5] (65th)
Qaybsiga (2015)positive decrease 51.3[6] (medium)
Kobaca (2015)Steady 0.754[7] (high / 79th)
Lacagta Real (R$) (BRL)
Waqtiga BRT (UTC−2 to −5)
 -  Xagaa (DST) BRST (UTC−2 to −5)
Taariikhda dd/mm/yyyy (CE)
Wadista Baabuurta right
Furaha telka +55
Furaha Internetka .br

Sido kale fiiri

  • Empireka ee Brazil
LocationBrazil
  1. Exército Brasileiro. "Hino à Bandeira Nacional" (in Portuguese). Archived from the original on 22 February 2014. Retrieved 29 January 2014.
  2. "Demographics". Brazilian Government. Archived from the original on 17 November 2011. Retrieved 8 October 2011.
  3. Jonathan Watts & Donna Bowater. "Dilma Rousseff impeached by Brazilian senate". The Guardian. Retrieved 31 August 2016.
  4. "Brazil". IBGE population estimates.
  5. 5.0 5.1 5.2 5.3 "Report for Selected Countries and Subjects". www.imf.org. International Monetary Fund. Retrieved 17 April 2018.
  6. "GINI index (World Bank estimate)". World Bank. Retrieved 9 November 2016.
  7. "2016 Human Development Report" (PDF). United Nations Development Programme. 2016. Retrieved 23 March 2017.
Ameerikada koonfureed

Boga "Latin Amerika" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Ameerikada koonfureed waa qaarad ku taalo koonfurta ameerika.

Barasiliya

Brasiliya (Af-Ingiriis: Brasilia; Hingaada: [bɾaˈziljɐ]; Af-Carabi: برازيليا) waa magaalo madaxda dowlada federaalka wadanka Barasiil iyo fadhiga dowlada federaalka Degmada Barasiliya. Caasimadani waxay juquraafi ahaan dhacdaa deegaan joogiisu sareeyo, waxaana dowlada wadanka Baraasiil bilowday dhismaha caasimadani April 21, 1960, taasi oo wakhtigaasi loo qoondeeyay ineey noqoto magaalo madaxda iyo fadhiga dowlada wadanka Baraasiil.

Dhinaca kale, Brasília iyo nawaaxigeeda waxaa ku dhaqan dad gaadhaya ilaa 2,556,149 sanadkii 2011, taasi oo ka dhigaysan caasimadan mida afaraad ee ugu dadka badan wadankaasi. Marka la barbardhigo wadanada kale ee Latin Ameerika caasimadani waxay leedahay dhaqaale aad u xoog badan oo gaadhaya ilaa BRL:61915 (u dhiganta US$36,175).

Centro Federal de Educação Tecnológica Celso Suckow da Fonseca

Centro Federal de Educação Tecnológica Celso Suckow da Fonseca (Cefet-RJ) waxa ay ku taala magaalada Rio de Janeiro, Barasiil.

Jaamacadda Cefet-RJ

Curitiba

Curitiba (kuɾi'tibɐ) (1,788,559 oo qof) waa magaalo ku taala dalka koonfur Barasiil.

Dadka Cad

Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan dad cad. Maqaalo kale fiiri dadka cad ee reer Yurub.Dadka Cad (ingiriis: white people; carabi: عرق أبيض) isir ahaan loo yaqaano "Qooqaasiyaan" (causcasian) waa dad midab cadaan ah leh kuwaasi oo asal ahaan ka soo jeeda qaarada Yurub laakiin maanta ku nool meelo badan oo aduunka ah.

Fikrada ah kala saarka iyo soocitaanka aadamaha waxay bilaabantey qarnigii 17aad goortii uu socday ganacsiga adoonta ee qaarada Afrika laga soo gurayay Dadka Madoow, si loogu shaqeeysto Ameerika dhexdeeda.

Wakhtiyadii ka dambeeyay waxaa caan noqotey firkada ah in dadka caalamku u kala baxaan cadaan, dad madoow, kuwo midab ah iyo kuwo huruud ah.

Guud ahaan, dadka cad waxay maanta ku dhaqan yihiin meel kasta oo caalamka ka mid ah, waxayna aad ugu badan yihiin qaarada Yurub, qaaradaha Ameerika (waxay xoog u degaan Waqooyiga Ameerika sida Maraykanka iyo Kanada; laakiin kama maqna wadanada Koonfur Ameerika), Ustareliya, iyo Bariga dhexe meelo badan oo Aasiya ah iyo qaarada Afrika ooy si badan u dagan yihiin wadanada Koonfurta Afrika.

Fanansuwela

Waxa uu ku yaalaa wadankani ameerikada waqooyi. Caasimadiisu waa karaakaas. Waxa hada kataliya madaxwayne Nicolás Maduro.

Faransiiska

Faransiiska (Af-Faransiis: La France; Af-Carabi: فرنسا) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Faransiiska (Af-Faransiis: République Française; Af-Carabi: الجمهورية الفرنسية) waa dalka mid ah dalalka kuyaala galbeedka qaarada Yurub. farnsiisku waxa uu kakoobanyahy dhul kal fog fog iyo jasiirado kuyaala goobo aad uga fog dhulwaynaha faransiiska waxa kale oo farnsiiska kamida halka looyaqaano Faransiis Guyana iyo jasiirado aad ubadan oo cidhifyada caalamka kuyaala dadka wadanka farnsiiska udhashay waxa wadankooda ay uguyeedhaan (Hexagone) oo macneheedu tahay Lix geesood. wadanka farnsiisku waxa uu xuduud la wadaagaa Wadamada

Midowga boqortooyada Britan Beljim Luksemburg Jarmalka Iswisarland Talyaaniga Monako Andorra Isbania sida oo kale farnsiisku waxa uu xuduud la wadaaga wadamo kabaxsan qaarada Yurub sida, Barasiil Surinam Nederlaan Antiilis. Farnsiisku waa mid kamida Aasaasayaasha Midawga Yurub.waana wadanka ugu wayn midawga yurub. sidoo kale waxa uu farnsiisku kamid ahaa xubnihii aasaasy Qaramada Midoobay.waxa kale oo kamidyahay xubnaha rigliga ah ee Golaha Amaanka inta badan dadka farnsiiska ahi waxa ay haystaan diinta Masiixiyad waxa kunool sidoo kale dad gaadhaya ilaa shan milyan oo haysta diinta Islaamka

Ikwadoor

Equateur waa wadan ku yaalo Koonfur Ameerika dhinaca Badweynta Baasifik.

Ecuador (Isbaanishaani waxay dhageystaan ​​codadkaan) EK-wy-dor, Isbaanish: [Ikwadur], si rasmi ah Jamhuuriyadda Ecuador (Isbaanish: República del Ecuador, oo macnaheedu yahay "Jamhuuriyadda Isku-dheellitirka "Quechua: Ikwadur Ripuwlika), waa Jamhuuriyad dimoqraadi ah oo ku taal Waqooyiga Ameerika ee waqooyiga Ameerika, oo xuduud u leh Colombia oo ku taal woqooyiga, Peru oo ku taal bariga iyo koonfurta, iyo Badweynta Badda ee Galbeedka. Ecuador sidoo kale waxaa ka mid ah Galápagos Islands Pacific, qiyaastii 1000 kilomitir (620 mi) galbeed ee dhulgariirka. Magaalada caasimadda waa Quito, halka magaalada ugu weyn waa Guayaquil.

Hadda waxa Ecuador u joogay qolal kala duwan oo Amerindian ah oo si tartiib ah loogu dhex galay Boqortooyada Inca inta lagu jiray qarnigii 15aad. Xuduudaha ayaa Spain ka qarxiyay qarnigii 16aad, iyadoo xor ka aheyd 1820-kii oo ka mid ahayd Gran Colombia, taas oo ka soo baxday dawlad madax banaan 1830-kii. Dhaqan ahaan labada boqortooyadu waxay ka muuqataa dadka reer Ekwador ee dadyowga kala duwan, iyada oo inta badan 16.4 malyan oo qof oo ah qowmiyado, oo ay ku xigto tiro yar oo ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee Yurub, Amerindian, iyo Afrikaanka. Isbaanishku waa luqadda rasmiga ah waxayna ku hadlaan dadka intiisa badan, inkastoo 13 luuqadaha Amerindian lagu aqoonsado, oo ay ku jiraan Quichua iyo Shuar.

Ecuador waa dal dhexdhexaad ah, oo leh dhaqaale horumarineed oo aad ugu tiirsan badeecadaha, sida shidaalka iyo waxyaabaha beeraha. Waxaa lagu maamulaa Jamhuuriyad madaxbanaan. Mid ka mid ah 17ka dal ee dunida oo adduunka ah, [11] [12] Ecuador waxay martigalisaa dhirta iyo xayawaan badan, sida kuwa ku yaalla jasiiradaha Galápagos. Aqoonsiga hiddaha khayraadka ee gaarka ah, dastuurka cusub ee 2008 waa kan ugu horreeya aduunka si uu u aqoonsado Xuquuqda Dabeecadda, ama xuquuqda deegaanka.

Instituto Federal da Bahia

Instituto Federal da Bahia (IFBA) waxa ay ku taala magaalada Salvador, Bahia, Barasiil.

Jaamacadda IFBA

Jili

Chili ama Jamhuuriyadda Chili. waa wadan ku yaala xeebaha Badweynta Baasifik ee Koonfur Ameerika. waxa ay jili kamid ahayd boqortooyadii Inka waxa ay kamidtahay dawladaha koonfurta maraykanka. dadka kunoli waxa ay isugu jiraan dad kahadhay gumaystihii isbayn iyo dadka asl haan meesh adagan wadanka jili waxa kunool dad gaadhaya ilaa 12 malya oo qof waxa ay jili fidsantahay masaafo gaadhaysa ilaa (756,626) klm oo isku wareega caasimada jili waa magaalada santiyaago

Kolombiya

Kolombiya (República de Colombia) Waa jamhuuriyad kutaala, Ameerikada koonfureed.Dahnka waqooyi waxay xuduud kala wadaagtaa,Badda Karabiya.dhanka bari waxa kaga aadan wadamada Fanansuwela.iyo Barasiil dhanka koonfureedna waxa kaga beegan wadamada Peru iyo Ikwadoor galbeedkana Banama iyo Badweynta Baasifik. caasimad waxa u ah Bogota

Pawlo Kuwelho

Pawlo Kuwelho (Paulo Coelho), waa qoraa wayn waxa uu u dhashay wadanlka barasiil

Pontifícia Universidade Católica de Minas Gerais

Pontifícia Universidade Católica de Minas Gerais (PUC-MG) waxa ay ku taala magaalada Belo Horizonte, Minas Gerais, Barasiil.

Jaamacadda PUC-MG

Sow Bawlo

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Sao Paulo. Qoraal ka hadlaya gobolka fiiri Sow Bawlo.

Magaalo la magac ah fiiri Saynt Bawl ee Maraykanka.

Sow Bawlo, Saw Bawlo (Af-Ingiriis: Sao Paulo; Bortaqiis: São Paulo /ˌsaʊ ˈpaʊloʊ/) waa magaalada ugu dadka badan wadanka Barasiil ee Koonfurta Ameerika, magaalada ugu wayn dhamaan deegaanada koonfurta dhulbadhaha, iyo mida 11aad ee ugu balaadhan iyo dadka badan ee dunida.

Sidoo kale, magaaladan Saw Bowlo waa caasimada iyo magaalo madaxda Sow Bawlo, oo ah deegaanka ugu dadka badan wadanka Baraasiil.

Magaaladani waa xarun ganacsi, waxbarasho, diin, madadaalo iyo bar-tilmaameed dalxiise.

Saw Bowlo waxa tiraba labo jeer lagu qabtey koobka Ciyaaraha Kubada Cagta sanadadii kala ahaa 1950kii iyo 2014ka.

São Paulo (Gobol)

São Paulo waa gobol ka mid ah Gobolada dalka Baraasiil. Gobolkaan caasimadiisa waxaa la dhahaa São Paulo.

Universidade Estadual de Feira de Santana

Universidade Estadual de Feira de Santana (UEFS) waxa ay ku taala magaalada Feira de Santana, Bahia, Barasiil.

Jaamacadda UEFS

Universidade Federal da Bahia

Universidade Federal da Bahia (UFBA) waxa ay ku taala magaalada Salvador, Bahia, Barasiil.

Jaamacadda UFBA

Universidade Fundação Mineira de Educação e Cultura

Universidade Fundação Mineira de Educação e Cultura (FUMEC) waxa ay ku taala magaalada Belo Horizonte, Minas Gerais, Barasiil.

Jaamacadda FUMEC

Universidade do Estado de Minas Gerais

Universidade do Estado de Minas Gerais (UEMG) waxa ay ku taala magaalada Belo Horizonte, Minas Gerais, Barasiil.

Jaamacadda UEMG

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.