Af-Hebrow


Af-Hebrow

Semitic languages
Luqadaha Semitiga

Af-Hebrow (עברית) Waa mid kamida jeeska Luqadaha Semitiga, waana luqad ay adeegsadaan dad gaadhaya ilaa 7 milyan oo qof.Dadka ugu badan ee luqadan ku hadalaa waxa ay ku noolyihiin dawlada Israa'iil .Af Hebrawgu waa luqad ka mid ah luqadaha la adeegsado ee caalamka maanta ka jira,laakiin waxa jirta in afkani uu lahaa lahjad aad iyo aad u qadiim ahayd oo aan hada la isticmaalin. Lahjadaas qadiimka ahi waxa kaliya oo loo isticmaalaa kulamada diiniga ha gaar ahaan yuhuuda ayaa u isticmaasha kulamadooda diiniga ha. Waa lqada lagu qoray kitaabka kiristinka(Bebal)

Ciise

بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله رب العالمين

Dadka Tigreega

Dadka Tigriga waa dad dago Koonfurta woqooyiga iyo dhaxbartanka Ereteriya. meelaha kale ee deganyihiin waxaa ka mid ah woqooyiga dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray iyo magaalo yaasha kale oo u dhaw. Dadka tigriya 100 kiiba 96.6% waxee degenyihiin gobolka Tigray ee dalka itoobiya, waxeena shacabka itoobiya ee daboolaan 100kiiba 6.2%, waa 4.5 milyan oo qof, 2.25 miliyan oo qof waxee degenyihiin dalka ereteriya, ayaga oo 50% daboolo shacabka ereteriya. haku qaldamin Dadka Tigregaga ah oo ku hadlo luqada Af-Tigre.

Falastiin

Template:Contains Arabic text

Falastiin,'(Carabi: فلسطين, Af-Hebrow ama yahuudiga: ארץ ישראל ) waa wadan ku yaalo bariga dhexe ee Qaarada Aasiya.

Falastiin, waxa ay Xuduud la leedahay wadamada Masar, Urdun, suuriya, Lubnaan iyo Israaiil. Markii hore dhulka waxaa degenaan jiray carab falastiin ah iyo yahuud aad u yareed, waxaana lagu qiyaasaa in ee falastiinta ee gaarayaan in ka badan 8 miliyan oo qof, (dad tiriskii 1997), qaxootiga falastiinta waxee kala degenyihiin wadamada Urdun 3miliyan , Lubnaan 400,000 iyo wadamada kale ee carabta in kabadan 800,000 oo falastiin ah, Qaar neh waxee kala degenyihiin wadamada aduunka, Yurub, Ameerika, iyo Aasiya, Falastiinta badankooda ama 3diiba 1 waxuu ku jiraa Kaamamka qaxootiga.dadka reer falastiin hadii ay hal meel wada degaan yuhuuda waxay ku keeni kartaa war war aad u badan

Israaiil

Israaiil (Af-Hebrow: יִשְׂרָאֵל‎, Yisra'el; Af-Carabi: إِسْرَائِيلُ‎, Isrā'īl) waa wadan ku yaalo Bariga Dhexe ee dhulka carabta. Israaiil waxee xuduud la leedahay wadamada Lubnaan, Urdun, Masar, Suuriya, iyo Daanta galbeed, Marinka Gaza oo isku hal wadan ah.

Dhulka maanta loo yaqaano israaiil, waxaa markeeda hore loo yaqaanay falastiin, waxaana la abaaulay 1948ii.Carabta iyo yahuuda waxaa ka soo dhaxeeyay dagaalo aad u dheer oo ilaa maanta ee colaad dhaxtaagantahay.Israaiil waxee isku balaarisay dhulka falastiin markii ee carabta ka diideen qaramada midoobay in ee yahuuda daris la noqdaan.60sano kadib dhulka falastiin waxaa la kala dhahaa Marinka Gaza iyo daanta galbeed.Caasimada israaiil waa galbeedka Qudus, caasimadiisa labaad waxaa la dhahaa Tel Aviv.

Sanadkii 1947, Qaramada Midoobay waxay ogolaatay Qorshe Iskudhin ah oo Falastiin ku talinaysa in la abuuro dalal madaxbannaan oo ka madaxbannaan Carabta iyo Yuhuuda iyo Yeruusaalem oo caalami ah. Qorshaha waxaa aqbalay hay'adda Yuhuudda, oo ay diideen hoggaamiyeyaasha Carbeed. [30] [31] [32] Sanadka soo socda, hay'adda Yuhuuddu waxay ku dhawaaqday inay madaxbannaan tahay dalka Israel, iyo 1948dii dagaalkii Carabta ee Israa'iil ka dib markii uu Israel ka abuuray dhismihii hore ee mandiqadda hore, halka Bankiga Galbeedka iyo Gaza ay qabsadeen dalalka jaarka ah. ] Israa'iil waxay tan iyo markii ay la dagaallantay wadamada Carabta, [34] waxaana ay tan iyo 1967-dii qabsadeen dhulal ay ka mid yihiin Bankiga Galbeedka, Golan Heights iyo Gaza Strip (wali waxaa loo tixgeliyaa in la qabsaday ka dib markii laga reebay 2005, inkastoo qaar ka mid ah khubarada sharcigu ay khilaafaan sheegashadan). [36] [37] [fn 3] Waxay sharciyaddeeda u ballaarisay Golan Dhulbahante iyo Bariga Yeruusaalem, laakiin maaha Bankiga Galbeedka. [38] [39] [40] [40] Falalka reer Israa'iil ee Falastiiniyiinta waa hawlaha ugu cimriga adduunka ee wakhtiyada casriga ah. [Fn 3] [43] Dadaalka lagu xalinayo iskahorimaadka Falastiiniyiinta iyo Falastiiniyiinta ma aysan dhicin heshiis nabadeed. Si kastaba ha ahaatee, heshiisyada nabadda ee u dhexeeya Israel iyo labada Masar iyo Jordan ayaa la saxiixay.

Qawaaniintiisa aasaasiga ah, Israel ayaa isu muujinaysa sida Yuhuudda iyo dimuqraadiyadda. [44] Israel waa dimuqraadiyad wakiil ah [45] nidaamka baarlamaanku, wakiilnimada saami iyo codbixinta caalamiga ah [46] [47] Ra'iisul wasaaraha waa madaxa dawladda, Knesset waa sharci dejinta. Israel waa waddan horumarsan iyo xubin ka mid ah OECD, oo leh dhaqaalaha 33-ka ugu weyn adduunka adigoo soo saarey wax soo saarka gudaha ee sannadka 2018. Dalka ayaa ka faa'iideysanaya shaqaale xirfad sare leh wuxuuna ka mid yahay dalalka ugu aqoonta badan dunida mid ka mid ah boqolleyda ugu badan ee muwaadiniinta haysta shahaadada waxbarashada heerka jaamacadeed. [49] Israel waxay leedahay heerka ugu sarreeya ee ku nool Bariga Dhexe, [12] waxayna leedahay mid ka mid ah rajooyinka nolosha ee ugu weyn adduunka.

Template:Israel Labelled Map

The State of Israel is divided into six main administrative districts, known as mehozot (מחוזות; singular: mahoz) – Center, Haifa, Jerusalem, North, South, and Tel Aviv districts, as well as the Judea and Samaria Area in the West Bank. All of the Judea and Samaria Area and parts of the Jerusalem and Northern districts are not recognized internationally as part of Israel. Districts are further divided into fifteen sub-districts known as nafot (נפות; singular: nafa), which are themselves partitioned into fifty natural regions.

Israaiil Visa Dalalka

Jacayl

waa qalinkii abwaan zakariye hassan cibaar

Jacayl ama Jecayl (af-Taliyaani: amore; af-Tigrinya: ፍቕሪ; af-Turki: sevgi ama aşk; af-Jabaan: 愛 ai, ito.shii; Sawaaxili: pendo; af-Shiine: 愛 ài اَىْ‎; af-Carabi: ﻋﺸﻖ ama ﺤﺐ; af Giriig: ἀγάπη agape ἔρως eros στοργή storge φιλία philia; af-Faransiis: amour; af-Faarsi: عشق; Kamba: wendo

af-Laatiin iyo : amor; af-Hebrow: אהבה ahava; Amxaari: ፍቅር; Esberanto: amo;

Ingiriis: love; af-Oromo: jaalala) waa dareen, marxalad, hami, doonid, xaalad iyo rabitaan qof u qaado ama hayo shey kale. Sidoo kale, Jecaylku waa qadarin, sharfid, xushmayn iyo ixtiraam qoto dheer oo qof u hayo noole, shey, qof ama arin kale. Tusaale ahaan, jacaylka hooyo iyo aabo; jacaylka Alle; kan qof kale (lab ama dhidig); jaceylka shey ama walax sida baabuur, buug, filim, hees iwm.

Guud ahaan, Jacaylku waa dareen qof u hayo wax kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan toban nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:

Jacaylka diinta

Jacaylka waalidka

Jacaylka walaalaha

Jacaylka ubadka (caruurta ama ciyaalka)

Jacaylka qof sida gabadh ama wiil

Jacaylka shey sida cunto, baabuur, buug, filim, hees iwm.

Jacaylka noole kale xoolo ama xayawaanSi kastaba ha ahaatee, Jecaylku waa dareen naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo la doonista wax fiican. Qofka jecaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay.

Inta u badan, dadku waxay jecaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale, sida wiil raba ama jecel gabadh iwm.

Jacaylku waa mid dunida ka soo jiray tani iyo wakhtiyadii ugu horeeysay dadka. Guud ahaan, jecaylka aadamaha waxaa loo kala saaraa afar qeybood:

1. Jecaylka dabiiciga: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka.2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay.3. Naf-u-saaris: waa jacayl qeyral caadi ah taasi oo qofka wax jeceli diyaar u yahay in uu naftiisa/nafteeda u hibeeyso qof kale. Jecaylka noocan ahi inta u badan wuxuu dhex maraa labo qof oo kala jinsi (sex) duwan, sida wiil iyo gabadh. Sidoo kale, jacaylka naf-u-saarista ahi waa mid bedela shakhsiyada, dhaqanka iyo nolosha qofka uu hayo; waxaana mararka qaar lagu sheegaa waalni.4. Jecaylka Galmo: jecaylka galmo (eros ama sex love) waa rabitaanka iyo hamiga galmo ama wasmo qof ka doonayo qof kale. Jecaylkani wuxuu ku salaysan yahay ficilka iyo samaynta galmo taas oo laga yaabo in labada qofba sidaasi rabaan ama mid ka mid ahi jecel yahay falkaasi. Inta u badan jecaylka galmo ma ahan mid qoto dheer, sababtoo ah labada qof iskuma hayaan dareen ka badan samaynta iyo falgalida galmada.

Luqadaha Semitiga

Luqadaha Semitiga waxaa la dhahaa luqadaha looga hadlo Bariga Dhexe, woqooyiga Afrika iyo Geeska Afrika gaar ahaan Itoobiya.Waxaa ku hadlo dad kabadan 470 miliyan oo qof.

Carabi — 340 000 000

Amxaari – 21 000 000

Af-Tigrinya – 15 000 000

Af-Hebrow — 7 000 000

Nabi Ibraahiim C.S.

Nabi Ibraahiim C.S ama Nebi Ibraahim Khaliifu Allah (Af-Laatiin: Abraham Af-Hebrow: אַבְרָהָם Amxaari: አብርሃም Af-Carabi: ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ; "nebi ibraahim"; loo yaqaano "Khaliifu Allah" oo ah "saaxiibkii Alle") waa nebi iyo rasuul ka mid ah anbiyada iyo rususha Ilaahay u soo diray dadka. Nebi Ibraahim wuxuu ahaa saaxiibkii Eebbe (s.w), waana mid ka mida shanta Rusul ee lagu sheegay kitaabka Quraan kariimka ah.

Nebi Ibraahin waxaa loo soo direy dad caabuda xidigaha, sanabyada iyo khuraafaadka, wuxuuna dadkiisii ugu yeeri jirey iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna isku dayeen iney gubaan, Eebbe ayaana ka badbaadiyey.

Si kastaba ha ahaato, Eebe (subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu siiyay caruur badan oo qaarkood laga dhigay nebiyo iyo rasuul, waxaana ka mid ah wiilashaasii Nebi Ismaaciil iyo Nebi Isxaaq. Intaasi waxaa dheer, Ilaahay wuxuu barakeeyay oo aad u badiyay tafiirta Nebi Ibraahim; tafiirtiisa waxaa ka mid ah bulshooyinka Carabta iyo Yuhuuda maanta ku dhaqan wadano badan oo Bariga Dhexe ah.

Dhinaca kale, Nebi Ibraahim iyo wiilkiisii Nebi Ismaaciil ooy caawinayaan tiro malaa'ig ah waxay si wada jir ah u dhiseen Kacbada, waana aasaaska magaalada Makka ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya.

Nebi Ibraahim wuxuu Alle (s.w) ku soo dejiyay Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim.

Towraad

Towraad Towrah Kitaabka Towraad (carabi: ﺗﻮﺭﺍﺓ, macanaha "Sharci" "Qawaaniin", ﮐﺘﺎﺏ ﻣﻮﺳﻰ, "kitaabki Muuse", (משה בן מימו), "kitabul Musa"; Af-Hebrow: תּוֹרָה, micnaheedu tahay: "tilmaamid", "waxbarid" Af Giriig: Τορά, Πεντάτευχος; ingiriis iyo Af-Taliyaani: Torah, Tora, Tawrāt; ) waa kitaabka diinta Towraad ee Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Muuse.

Intaasi waxaa dheer, kitaabka Towraad waa diinta iyo dhaqanka dadka Yuhuuda ah ee reer bani Israa'iil. Dadka raacsan diinta Towraad ee Yuhuuda ah waxay ku macneeyaan dhowr micno oo kala duwan. Waxaana ka mid ah:

Shanta kitaab ee loo yaqaano "Tanakh" taasi oo ah macnaha ugu muhiimsan ama inta ugu badan ay u yaqaanaan khubarada diinta Yuhuuda.

Sharaxaada iyo fahanka cutubyada Tanakh.

Soo degidii iyo ku dhanka Jenesiska (Genesis), oo ah kitaabka Hebrowga isla markaana ah aasaaska iyo saldhiga diinta Masiixiyadii hore, iyo dhamaadka Tanakh. Iyo,

Iskugeynta fahanka dhaqanka iyo diinta guud ee dadka reer Israaiil.Si kastaba ha ahaatee, waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay in kitaabka Towraad eey tahay waxyigii Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Muuse; kuwaasi oo uu qoray Nebi Muuse naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay kitaabka Nabi Muuse.

Xaawo

Xaawo Xaawa (Af-Carabi: ﺣﻮﺍﺀ; Af-Hebrow: חַוָּה,; Af-Laatiin: Eva; Aramiyya: ܐܘܚ; Af-Tigrinya: ሕይዋን ? ama Hiywan) sida ay isla qabaan Diimaha Ibraahimiga ahi (waa diinta Islaamka, diinta Masiixiyada iyo tan Yuhuud) Xaawa waa qoftii dumar ee ugu horeeysay ee Ilaahay (s.w.t) ka abuuray feedha lamaanaheeda Nebi Aadam.

Si kale haddii aan u dhigno Xaawo waa hooyodii kowaad ee dhamaan dadka, halka Aadam ka yahay aabaha dhamaan dadka ku nool meeraha dhulka.

Sida diinta Islaamku xustey markii Alle abuuray Aadam iyo Xaawo wuxuu ka dhigay seey iyo oori kuwaasi ku dhex nool janada. Wakhti yar ka dib, Sheydaan oo asagu ka xun sharafta iyo maamuuska Ilaahay siiyay Aadam iyo xaaskiisa ayaa wuxuu bilaabay inuu Xaawo shukaamiyo, isla markaana ka dhaadhiciyo in haddii eey cunto midhaha iyo khudaarta geedka laga mamnuucay ay noqonayso qof aad u qurux badan oo waligeed noolaanaysa, marnaba aanan dhimanaynin, isla markaana yeelanaysa mid la mid ah awood weyn ee Rabbi (s.w.t).Si kastaba ha ahaatee, Xaawo waxay qaadatay sheekadii beenta ahayd ee Ibliis taasi oo burinaysa ama lid ku ah oo ka soo horjeeda amarkii Ilaahay siiyay qoyskan ugubka ah oo ahayd ineey wax kasta cunaan laakiin aanay marnaba taabanin ama u dhowaanin midhaha geeka laga mamnuucay.

Waxayna odaygeedii Aadam ku kaliftey ineey labadooduba cunaan midhaha iyo khudaarta geedka laga mamnuucay. Isla markiiba waxaa isku muuqatay ceebtoodii, markaasaa waxay bilaabeen iney isku qariyaan caleenta iyo laamaha geedaha.

Wakhti yar gudaheed Alle wuxuu amar ku bixiyey in labadooduba ay ka baxaan janada ooy nolol cusub ka bilaabaan oogada dhulka.

Luqadaha kale

This page is based on a Wikipedia article written by authors (here).
Text is available under the CC BY-SA 3.0 license; additional terms may apply.
Images, videos and audio are available under their respective licenses.